Sunday, June 1, 2014

QM oo ka digtay Ciidan gaar ah oo Somaliland u samaysay amniga Shirkaddaha Shidaalka


UNHargeysa(GNA)-Guddida la socodka cunoqabateynta hubka Soomaaliya ee Qaramada Midoobay, ayaa ka digay ciidamo gaar ah oo ay Somaliland u diyaarinayso ilaalinta shaqaalaha ajaanibka ah ee shidaalka ka baadhaya bariga Somaliland.




War qoraal ah oo uu soo saaray Jarat Chopra oo ah madax guddida cunno-qabateynta hubka ee saaran Soomaaliya iyo Eritrea ayaa lagu sheegay in aasaaska ciidamo noocan ah ay qalalaase ka abuurayaan gobolka, waxaanu muujiyay walaac.




 Mr. Jarat Chopra ayaa qoraalkiisa ku yidhi “In ciidamo noocaas ah la geeyo goobahaas waxa ay kor u qaadi kartaa khilaafyada gudaha iyo kuwa dibaddaba waliba haddii aan arintan si gaar ah taxadar looga muujin”.




Warka ka soo baxay monitoring group-ka ayaa lagu xusay in ciidamadan Tababar u socdo, isla markaana halistoodu tahay mid soo deg degaysa.




Ilaa afar boqol iyo labaatan askari oo u gaar ah ilaalinta Shaqaalaha sahaminta Shidaalka iyo Macdanta ee Gobolada bariga Somaliland, ayaa la sheegay in lagu tababarayo xeryo ku yaala Deegaanka Oog ee Gobolka Saraar.




Wasiirka Macdanta iyo Tamarta ee Xukuumadda Siilaanyo ayaa horaantii sanadkan xaqiijiyay in ciidamo gaar ah loo samaynayo Mashaariicda baadhista shidaalka, kaddib markii cabsi dhanka amniga ah dalka uga baxday shirkadda Genel Energy oo Gobolka saraar ka bilaabi lahayd sahaminta.




Wasiirka Tamarta




Xuseen Cabdi Ducaale ayaa Golaha Sharci dejinta u sheegay in la mideynayo ammaanka Shirkaddaha shidaalka baadhaya, isla markaana ciidan gaar ah loo tababarayo.




Mashruuca Sahaminta Shidaalka oo ay xukuumadda talada haysaa ilaa shan shirkaddood heshiis kula gashay, ayaa waxa hore uga horyimi Bulshada iyo Hay’addaha sharci dejinta, iyadoo xiisad amni daro deegaanada qaar ka abuurtay.




dareenno hore




Iska hor-imaadyo ka dhacay  deegaamo ka mid ah Gobolka Sool oo u dhexeeya Ciidamada Somaliland iyo Maleeshiyaad taageersan Maamulka la baxay Khaatumo ayaa lagu xidhiidhiyey inay salka ku hayaan kala riixasho deegaamo Saliida qani ku ah.




Ciidankan ayaa qoristooda ay dawladda Siilaanyo aad u qarisay.