Adeega talaalka cudurka dabaysha iyo cudurada kale ee dilaaga ah waxaa loogu talagalay in looga faaiideeyo ubadka da’yarta ee reer Somaliland.
Hadaba waxaa la yaab noqotay sida xukuumadu u moogan tahay ilaalinta kaalmada laynoogu deeqay iyo masuuliyada ka saaran ubadkeeda ee ku wajahan dabagalka iyo xaqiijinta in si haboon loo gaadhsiiyey adeega caafimaad ee ay u baahan yihiin. Intaa marka laga yimaado ,
waxaa cid walba u muuqata musuqmaasuqa ka dhexjira talaalka oo kooxo isku xidhani ay leexsadaan kaalmada loogu talagalay in talaalka lagu gaadhsiiyo caruurta gobolka Sanaag.
Dadkan masuulka ka ah talaalka waxay dulmi ku hayaan hawladeenada ka shaqeeya talaalka kuwaas oo qaata in ka yar labaatan dollar mudo afar cisho ah, iyagoo dadkan masaakiinta ahi aanay awood u lahayn ay ka hadlaan xaqooda duruufaha shaqo la;aanta awgood ayna naftooda halis u geliyaan tegitaanka meelo qorfe ah.
lacagtan loogu talagalay talaalka waxaa ka taajiray oo jeebadaha ay ugu dhacaan shaqsiyaad ay ka mid yihiin
1. Maxamuud Ismaaciil Ciise oo Xiis Loo Yaqaan,
2. Xasan Axmed Saalax koore Iyo kooxo tirobadan oo ku dabafayla labadaa nin, waxaana ay ka iibsadeen dhididkii iyo dheecaankii dadlka guryo, gawaadhi iyo ganacsi tirobadan.
Waxaa intaa ka sii daran bulshada gobolka Sanaag, gaar ahaan kuwa baadiyaha iyo degmooyinka oo aan wax fikrad ah ka haysan faaiidada talaalku u leeyahay ubadkooda, taasoo ay sababtay iyagoon helin wax wacyi gelin ah.
Waxaa jira NGO la yidhaahdo SHADO oo uu samaystay ninka la yidhaahdo Xasan Koore oo masuuliyiinta caafimaadka ka mida, uuna heshiis kula lagalay hayada Unicef wacyigelinta talaalka gobolka Sanaag iyadoo aan wax wacyigelin ah la samayn haba yaraatee, lacagtana jeebadaha ayaa lugu shubtaa, Xitaa wax kale iska daaye mikirifoono uu awel kiraysan jiray oo aan meelse tegi jirin, bilhii ugu danbeeyey ma kiraysan, sida ay noo sheegeen dadkii qiimaha jaban lagaga kiraysan jirey ee inta yar ka faaiidaysan jirey iyaguna Waana kan ducementiga lagu boobay hantida wacyigelinta talaalka aanu idiin soo gelinay xago hoose ee bogan.
Xukuumada waxaan ka codsanaynaa in ay naga qabtaan dilaaliintan 20 kii sano ee u danbeeyey danahooda gaarka ah uga faaiidaystay hantidii qaranka, waxaana soo bandhi doonaa dhamaan musuqmaasuqii ay sameeyeen iyo ciday ku sameeyenba.
Barkhadle Maxamuud Geedi