Thursday, June 19, 2014

Jamaal Cali Xuseen: Maxkamadda waxaan maanta ku arkay waannu ka Dagaalamaynaa”


Jamaal Cali Xuseen oo ka yaabay hadal ka soo baxay Xeer-ilaaliye Madaxweyne Siilaanyo ay isku hayb yihiin oo dacwad Oogeyaasha ka mid ahaa



jamaal cali xuseynHargeysa(GNA)-Musharaxa Madaxweynaha ee Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Jamaal Cali Xuseen, ayaa ka digay cawaaqib xumadda ka dhalan karta Cadaalad darada iyo cago-juglaynta dawladdu ku kacayso.



Jamaal Cali Xuseen oo ka qayb-galay dhegeysiga Dacwad lagu oogayo Mulkilaha Wargeyska xayiran ee Haatuf Yuusuf Cabdi Gaboobe, ayaa sheegay inuu maanta dib u xasuustay cadaalad daradii lagu sameeyay dhalinyaradii xukunkoodu u sababta noqday Dhagax-tuurkii Dhalinyaradii UFFO ay kala horyimaadeen Dawladdii Siyaad barre  sanadkii 1982-kii.



Waxa uu sheegay inuu ka mid ahaa Ardaydii Maxkamadda Gobolka dibad-baxa dhagax tuurka ah ka bilaabay markii la xukumay aqoonyahanadii Dhalinayarada ee dawladdii milateriga ahayd xidh-xidhay.



Musharax Jamaal ayaa caddeeyay in Cadaalad daro weyni ka muuqdo Kiiska Yuusuf Cabdi Gaboobe .



 “maanta Yuusuf Cabdi Gaboobe waxa lagu sameeyay Aargoosi aad u fool xun oo aannan filayn inay wax la mid ahi  dalka ka dhacaan, waxa lagu sameeyay aargoosi qabyaaladaysan waliba, waxa lagu sameeyay hanjabaad iyo cago juglayn, waxa lagu sameeyay wax iila muuqday Cadaalad daro aabaheed.



Waxaasoo kalena waa wax  ka xun wixii 82-kii Dhalinyaradii UFFO markii Maxkamadda la horkeenay aannu ka mudaharaadnay ee laga dagaalamay, waana ayaan daro in dib loogu noqdo., waanan ka dagaalamaynaa arrintaa maanta dhacaysa, waanu ka dagaalamaynaa”ayuu yidhi.



Jamaal Cali Xuseen, ayaa sheegay in dacwadan la manjaro habaabiyay “Saxaafaddu xeerbay leedahay, xeerkaasi waa kii 2004-tii Golaha Wakiilladu ansixiyeen, waxaan weydiiyay sababta xeerkaas loogu qaadi waayay dacwada, waxay yidhaahdeen xeerka ciqaabta ayaa lagu qaadayaa.



Kolkaas waxay in xeerkaas lagu qaado dacwada, laakiinse xeerkii ciqaabta ayaa lagu qaadayaa, xeerka ciqaabtana  waxa loogu talo galay arrimo kale weeye”,



Isagoo ka cabanaya hadal la dhalan rogay oo Wargeyska Dawladda ee dawan ka qoray wuxuu yidhi “Aniga wargeyskan Dawan ee Dawladdu leedahay, ayaa hadal aan idhi si kale u dhigay oo khalad iga galay”.



Jamaal ayaa dhinaca kale ka hadlay dhacdooyinkii uu aadka ula yaabay ee Maxkamadda gudaheeda ka dhacay intii dacwadu socotay, waxaanu yidhi “waxyaabaha aan aadka ula yaabay ee dhacay waxa ka mid ahaa in Nin ka mid ah Xeer-ilaaliyeyaashu Yuusuf ku yidhi cagta hoosteeda ayaa lagu gelinayaa, waa wax aad u fool xun”.



Gobanimonews



Hargeysa Office



Email: editor@gobanimonews.com