Garoowe(GNA)-Wasiir ku-xigeenka Amniga Puntland C/casiis Maxamed Aadan oo Waraahinta kula hadlay magaalada Garoowe ayaa sheegay inaanay Maamul ahaan difaaci Karin Deegaamada Sool, Sanaag iyo Cayn, inta Dadka Deegaanku ka soo horjeedaan Maamulka Puntland.
Warka ayuu sheegay xili Dagaal maanta ka dhacay Deegaanka Saax-dheer oo Gobolka Sool ka tirsan.
Puntland ayaa hore ugu eeddeysay Somaliland inay ku soo xadgudubtay Dhul Puntland leedahay.
Doodad ku saabsan xuduudka ee labada Maamul u dhaxaysa ayaa ah mid wali taagan.
Hase ahaatee Maamulka la baxay Khaatumo oo aanay aqoonsanayn midkoodna ayaa caqabad ku noqday labada dhan.
Ciidanka Somaliland ayaa Khamiistii qabsaday Magaalada Taleex oo shir uga socday Khaatumo.
Maanta ayaa Ciidanka Somaliland mar kale degmada Saax-dheer ku weerareen hogaamiyeyaasha Shirkii Taleex ee la baajiyay oo uu ka mid yahay Cali Khaliif.
Wasiir ku-xigeenka Amniga Puntland oo dagaalka Maanta dhacay kaddib hadlay waxa uu yidhi “Waxaa jira in dadka deegaanka ee gobollada Sanaag iyo Sool inay iyagu caqabad Soomaaliland ka horeysa noqdey oo laf-dhuungashey ah,xadduudka in la difaaco oo cadowga lagasaro iyaga caqabad ku ah ciidan iyo hub bey ku heystan meesha oo hadan aadno way nala dagaallamayan annaguna in dadka reer Puntland,wada dagaallaman doonimeyno,..””ayuu yiri C/casiis Maxamed Aadan.
Xaalada deegaamadii Maanta lagu dagaalamay ayaa degen, inkasta oo wali saan saan colaaddeed la dareemayo.
Gobanimonews
Garoowe Office
La soco wixii ka soo kordha…