Kooxda Al-shabaab oo laba Baabuur oo midkood Jaad siday ku gubay Bay iyo Shabeellada hoose iyo walaaca ka dhashay
Baydhabo(GNA)-Kooxda Alshabaab ayaa labadii Maalmood ee la soo dhaafay Gabood-falo dhacbiga ka dhan ah ka geystay Gobollada Bay iyo Shabeellada hoose.
Dagaal yahano ka tirsan Ururkan Islaamiga ah ee ka dagaalama Soomaaliya ayaa dab qabadsiiyey Maanta Gaari Mini-bus ah oo ay la socdeen 24 qof oo Rakaab ah, xili uu marayay meel 4km u jirta degmada Qoryoolay.
Dabka ayaa sida la sheegay si ula kas ah loola beegsaday gaariga, inta laga dejiyay dadka, waxaanay masuuliyiiinta Gobolku sheegeen in la la’yahay afar qof oo ka mid ahaa rakaabka, balse intii kale ay ka badbaadeen.
“Baabuurkan wuxuu ahaa mid mini-bus ah ama caasi oo kusii socday degmada Qoryooleey ee gobolka Shabeellada Hoose, waxaana la socday 24-qof oo shacab ah, mana jirto cid wax ku noqotay gaariga,” sidaasi waxa Guddoomiya Gobolka Shabeellada hoose C/qaadir Maxamed Siidii oo Idaacada VOA-da la hadlay.
“Rakaabkii oo dhan markii ay gaariga ka dageen ayay gubeen, tanina waxay qayb ka tahay dhibaatooyinka ay Al-shabaab ka geysnayso gobolka iyo goobihii ay ciidamada dowladda iyo AMISOM ka qabsadeen,” ayuu hadalkiisa ku daray guddoomiye Siidii.
Jaadle la gowracay
Dhinaca kale, Ururka Al-shabaab ayaa Jimcii shalay ku gowracay Nin Jaad Gaadhi ku siday meel wax yar u jirta Magaalada Baydhabo.
Kooxda ayaa muddooyinkan dambe si ula kac ah u gubayay Jaadka loo kala gudbinayo Gobolka Bay.
Sida ay Goob-joogeyaal sheegeen Gaarigii Jaadka lagu siday ayay isagana dab qabadsiiyeen.
Ehelada Ninka la dilay ee Jaadka siday ayaa Ururka Al-shabaab ku dhaleeceeyay falka ay ku qaarajiyeen wiilkooda.
Madaxda Sare ee Al-shabaab ayaan ilaa hada ka hadal gabood falada noocan ee ay u geysanayaan dadka shacbiga ah ee ku dhaqan deegaamada ay ka dagaalamaan.
Dagaalka Kooxda Al-shabaab ayaa hore ugu koobnaa Ciidamada ka soo horjeeda iyo dadka ay u arkaan inay u shaqeeyaan oo ay layn jiray, hase ahaatee weeraradan ugu dambeeyay ee rayidka lagu bartilmaameedsanayo ayaa muujinaya talaabooyin qalafsan.
Gobanimonews
Muqdisho Office
Email: editor@gobanimonews.com