Ma u baahantahay Bogcad Ganacsi oo kiro ah? Waxa kuu haya Guuleed hotel oo fursad ku siiyey…
Maamulaha Guuleed Hotel Cali Cumar Xasan Guuleed,ayaa Ganacstada kala duwan iyo Bulsho weynta reer Somaliland meelkasta oo ay joogaan ugu bushaareeyey in loo hayo fursad dahabiya, oo ah inay ka faa’iideeystaan Hoolka ama Moolka weyn ee ku yaala Guuleed Hotel, halkaasoo uu oo sheegay in lagu kirayn doono qiima aad u jaban oo macquul ah xiliga Ramadaanta.
Cali Cumar Xasan Guuleed oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika, ayaa sheegay in fursadan la bixinayo muddo Afartan Cisho oo u dhexeeya Ramadaanta ilaa Ciida, halka uu sheegay in Toban cisho oo ka mid ah, Afartankaasi cisho ay yihiin bilaash.
“Aniga oo ah Maamulaha Guuleed Hotel, waxaan ugu bushaareeyeynaya Ganacstada waaweyn iyo kuwa yaryar ee soo koraya fursad dahabiya, oo ah Bisha Ramadaan iyo Ciida, anaga oo ka kirayn doona Mall-ka ama Hoolka weyn ee Guuleed ku yaala, oo qiyaastiisu tahay 2000 Mitir oo laba jibaar ah, waxaana lagu kirayn doona oo loo xisaabin doona Mitirkii, iyada oo qofku uu goosan karo inta Mitir ee uu doonayo”ayuu yidhi Cali Cumar.
“waxaanan kirayn doona afartan cisho oo laga bilaabi doono 26/6/2014, oo ku beegan Saddex cisho horteed Ramadaan,ilaa 4/8/2014, oo Saddex ilaa Afar cisho ka dabmeyn doonta Ciida, Afartankaas Cisho Toban cisho waa Bilaash, Sodonka Cisho ee kale ayaa Kiro laga qaadi doonaa, kiradaasina waxa ay ka jabnaan doonta Intii Carwadii dhawaan laga qabtay Mallka, markaas waxa aan Bulshada reer Hargeysa iyo reer Somaliland ba meellkasta oo ay joogaan waxaanu ugu busharaynaynaa inay ka faa’iideeystaan fursadan qaaliga ah” ayuu hadalkiisa raaciyay
Maamulaha Guuleed Hotel ayaa isaga oo sii hadlaya yidhi “Waxa mar labaad aan si xishmad leh aanu fursadan dahabiga idiin siinaynaa inaad ka faa’iideeystaan, Kiraduna aad ayey u jaban tahay, si aad u wanaagsan cid walba oo doonaya waanu u soo dhaweeyn doona, waxaanay dadku nagala soo xidhiidhi doonaan si ay isu diwaan-geliyaan Numberada kala ah 0634427343, ama 0634743959, ama aligulaid1@yahoo.com”.
Hadalka Cali Cumar ayaa imanaya xili dib u dhis balaadhan lagu sameeyay qaybta Hoolalka ee Hudheelka Guuleed, halkaasoo Carwo Ganacsiyeedkii 2014 lagu qabtay, isla markaana si habsami ah ay uga dhacday.
Khaalid Xamdi Maxamed
Gobanimonews
Hargeysa Office