Monday, June 2, 2014

Muuse Biixi Oo Sheegay In Ragii Jabuuti Qarxiyey Hargeysa Joogeen Laamaha Amaankana Dhaliilo U Soo Jeediyey


Waran Cade ayaa ku faanay waxaan ahay ragii toogtay markuu siilaanyo mucaaridka ahaa hadana uu iga maarmi waayey oo wasiir ayuu iga dhigtay. Tana ku darso ragbaa madaxtinimo Shaani ku doonaya”




Hargeysa (Hubaal)- Gudoomiyaha xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi oo maanta ka hadlaayey kulamo ay la yeesheen golaha guuritda Somaliland ayaa sheegay inay ka wada hadleen arrimo badan oo khuseeya garab kastaaba wuxuu tabanaayo, taas oo ay guurtidu dhagaysteen.




Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in markii gudoomiye ahaan uu sheegay inuu sharaxan yahay uu madaxweyne Siilaanyo qaaday dagaal cirka iyo dhulka ah, waxaanu yidhi mar uu arrimahaas ka hadlaayey “Guurtida waxaan ka wada hadalnay sidii ay noogu muuqatay waxa dhibaada keenay oo aanan imika halkan ka wada akhari karayn oo ay kow ka tahay shirweynihii xisbiga wixii uu go’aamo gaadhay oo lagu daray waxaan jirin, dhibta koowaad halkaas ayey ka kacday. Dhibtaas waxaa ku xigay markii aan




anigu idhi waxaan ahay murashax, dagaal cirka iyo dhulka ah ayaa la qaaday oo uu madaxweynuhu qaaday”




Sidoo kale wuxuu sheegay Muuse Biixi inay guurtida ka wada hadleen dadka loo xidh xidhay taageerida garabka uu hogaaminaayo Muuse Biixi, waxaanu intaas ku daray oo uu cambaareeyey ku adkeeyey xadhiga loo gaystay wasiir ku xigeenkii hore ee amniga Cabdilaahi Abokor, waxaanu yidhi




“Wasiir ku xigeenkii hore ee amniga Cabdilaahi Abokor xadhiga la xidhay waa xadhig siyaasiya, waxaan ognahay xadhiga siyaasiga ahi colaad iyo nac iyo xumaan mooyee wanaag ma keeno, waxaa iyana dhibaato labaad ah qaabkii loo qabtay ee gurigiisa loo galay, qof wal oo daawaday dhaawac iyo fool xumo way ugu filan tahay, cidii talaabadaas qaaday waxaan qabaa inay u badheedhay qaladkaas”




Gudoomiyaha xisbiga KULMIYE ayaa ka hadlay dad uu sheegay in loo xidh xidhay taageerida cisbiga KULMIYE, waxaanu yidhi




“waxaa la xidhay dad taageerayaasha xisbiga ah oo loo xidhay sawirka gudoomiyaha ayey siteen, madaxweynaha waxaan waydiinayaa markuu sawirka gudoomiyuhu noqday dambi kaaguna noqday xalaal”




Sidoo kale Muuse Biixi waxa uu sheegay inay xukumada ka diidan yihiin qaraxyo uu sheegay in lagu eedeeyey dad madaxtinimo doonaya, waxaanu sheegay inuu aad uga xun yahay inay afka madaxweynaha ka soo baxdo arrintaasi, waxaanu intaas ku daray in aanu wasiir Waran Cade la yaabay eryada deel qaafka ah ee ka soo baxay, waxaanu yidhi




“Wuxuu yidhi (Waran Cade) isaga oo Space Channel-ka la hadlaaya anigu waxaan ahaa oo uu ku faanay ragii toogtay markuu Siilaanyo mucaaridka ahaa hadana uu iga maarmi waayey oo wasiir ayuu iga dhigtay. Tana ku darso ragbaa madaxtinimo Shaani ku doonaya”




Ugu dambayntii gudoomiyaha KULMIYE Muuse Biixi Cabdi ayaa dhaliilo u soo jeediyey wasiirka arrimaha gudaha ee Somaliland, isagoo sheegay in ragii dalak Jabuuti ee Somaliland la jaarka ah qarax ka fuliyey Hargeysa joogeen mudo bil ku dhaw, waxaanu yidhi




“waxaan waydiinayaa wasaaraddaha amniga oo uu kow ka yahay wasiirka daakhiligu ragii Jabuuti qarxiyey waxaa la sheegay inay dhawr iyo labaatan cisho hargeysa joogeen, dhaawac iyo ceeb ka wayn oo Somalialnd dul saarani ma jirto”