Maxed c/laahi Faarax (Soofadhiiste ) oo ka mid ahaa wariyaasha madax banana ee ka hawl gala gobolka saaxil Gaar ahaa TG Somali challe iyo wargeyska Saxafi ayaa saaka isagoo shaqadiisa maalin ahaa ku gudo jira ciidanka police ugu yimaaden xarunta dawlada hoose berbera oo ka socotay munaasibad ay dalada heer qaran sonyo qalab sport ugu wareejinayeen wasaarada dhalin yarada ciyaaraha “
Halakaas ayaa ciidan uu hogaaminyo taliye xigeenka police gobolka saaxil uga yeedhen wariye soofadhiiste oo ay u sheegen in uu xidhan yahay oo saldhiga dhexe la rabo
Wariye soofadhiiste ayaa intii aanu fuulin gaadhiga lagu qaadi ahaa cod kooban oo warbaahinta siiyay ku sheegay inuu amarka xadhigiisu ka yimi guddomiyaha gobolka saaxil Fahmi cabdi Bidaar .waar waad maqlaysaan oo xadhigayga waxa ka danbeeya Badhasaabka gobolka saaxil fahmi cabdi bidaaar sidaa saxiibayaal kula socda oo qalabka ii qaada “
Badhasaabka gobolka saaxil oo aan isku dayay inaan wax ka waydiino xadhiga wariyaha iyo ujeeda ka danbaysa ayaa noo suuro galin xafiisa oo aanu ka wayn awgeed iyo telephone gacan noo dhici waayay