Maxaa Sabab U ah In Caashuurta Laga Qaado Shacabka Gabiley, Xoghayaha Dawlada Hoose u Adeegsado Soo Abaabulka Odayaasha Waji Kumacaashka iyo Laaluushka uu u Siiyo Xildhibaanada Golaha Deegaanka.
Waxaa La Sheegayaa Hadda In Ilaa Xalay Uu Abaabulayey Odayaal iyo Dadka Wax Magaratada Ah Ee gobolka Taas oo Shaashadaha uu Kasheego in Ay Taageersan yihiin Madaxweyne
Siilaanyo, Cashuurtii Dadka Danyarta Ah Ayuu U Adeegsadaa In Uu Iskaga Dhiso Laaluushna uu u Siiyo Xildhibaanada Golaha Deegaanka, iyo qolooyin gabiley u noqotay hartii looyar....sidaas waxaa ku Tiraabay Mid Kamid Waayeelka gobolka Gabiley.Ahaana Macalin Wakhti Dheer Waxkasoo Dhigayey Gobolka gabiley....
Warbixinaha ka imanaya gobolka gabiley ayaa sheegaya in maalmahii u danbeeyey maamulka dawlada hoose oo uu horseed u yahay xoghaya dawalada hoose ee gobolka gabiley, C.raxmaan Nuur Abokor uu Ku Mashquulay Arrimo Siyaasadeed Oo Ku Luminaayo, lacago la sheegay in uu musuqmaasuqay iyo cashuurtii bulshada danyarta ah ay ahayd in wax loogu qabto oo lagu bixiyo laaluush iyo in maalinba afar oday oo waji ku macaash ah iyo dhalinyar inta gidaar lasoo fadhiisiiyo la yidhaaa, madaxweyne shacabii gabiley waa ku taageereen,
waxaan warbixinahaasi intaa ku dareen in ilaa caaawa fiidkii hore uu xoghayaha dawlada hoose ku mashquulsanaa soo ururinta iyo wacyi galinta odayaal la sheegay in maalinta barito ah ay baaq cod dheer ugu taageeri doonaan madaxweynaha iyo is sharaxaadiisa,
iyadoo dhanka kale laga abaabulayo magaalada gabiley mudaharaad balaadhan oo laga hor tagayo amuurahaas lidka ku ah gobolnimada ee aaney bulshada kawada raalida ahayn,
si kastaba ha ahaatee arrimaha noocan ah ayaa kusoo beegamaya xili munaasibadii sideed iyo tabankii may kadib shacabka iyo waxgaradka gobolka gabiley ay ku eedeeyeen maayirka iyo xoghaya dawlada hoose in ay musuqmaasuq baaxad leh ku kaceen, kuna dambabaseen sheegeena in lacago aan macquul ahayn ay ku bixiyeen xuskii munaasibada qaran,
Haddaba maxaa u sababa masuulkan wasaarada arrimaha guduhu u xilsaaratahay ilaalinta iyo ugu adeegida shacabka gabiley inuu u adeegsado lacagahaasi arrimo dadku gobolku sida fiinta uga qaylyeen,
Waxaana nuxurka warbixintani baaq u tahay in si degdeg ah ay wax uga qabtaan , maamulka gobolka lexejeclada ka qabaa haddii kale aaney dhici doonin in maalin danbe aan malaayiin dollar lagu kharashgareyneynin. waxaan dalka iyo dadka reer gabileytoona dani ugu jirin.
Lasco wixii warbixinahaas kasoo kordha.................................................................
W/Q Axmed OSman