Dawladda Djibouti ayaa sheegtay in mid ka mid ah laba Naftood hure oo isku qarxiyey Caasimada Jibouti ay Muqdisho ka timi, iyadoo socod ku soo martay Hargeysa
Hargeysa(GNA) Booliiska Madaarka Hargeysa ayaa maanta la sheegay in lagu qabtay laba qof oo looga shakisanyahay inay ka tirsanyihiin Alshabaab, sidaa waxa Warbaahinta u sheegay dad goob-joogeyaal ah.
Labada qof ayaa ah rag waxaana la sheegay inay ku sii jeedeen dalka imaaraadka Carabta, waxaana lagu xidhay Saldhig ku yaala Madaarka, kaasoo lagu hayey ilaa goor dhaweyd.
Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Laamaha ammaanka, laakiinse warku wuxuu intaas ku darayaa in nimankaasi ay ka soo kicitimeen Magaalada Muqdisho.
Waa markii ugu horaysay ee sanadkan gudihiisa Madaarada Somaliland lagu qabto dad looga shakiyay Shide-wadeyaasha gobolka.
Qabashada labada qof ayaa saacaddo ka horaysay markii uu dhacay qarax shaani saddexaad oo ka dhacay Hargeysa gelinkii dambe ee Maanta.
Qaraxan oo kuwo kale oo noociisa ah ay habeeno sii horeeyey ka dhaceen caasimadda, waxaanay dawladdu ku eeddeysay dad siyaasadda ku jira.
Ammaanka Madaarada Somaliland
Ammaanka madaaradda Somaliland ayaa ah mid inta sugan oo aad loo baadho dadka ka soo degaya, waxaana ka shaqeeya Ciidamo kala duwan oo isugu jira Laanta Socdaalka, waaxda Sirdoonka iyo waliba kuwo bilays ah oo nabad-gelyada gudaha ka shaqeeya.
Laakiinse laba qof oo dhawaan weerar ismiidaamin ah ka fuliyay Caasimadda Djibouti ayaa midkood la sheegay inuu ka soo galay xaga Somaliland, taasoo ah Gabadh la aaminsanyahay inay Magaalada Muqdisho ka timi muddo ka hor oo intay Hargeysa soo martay uga sii gudubtay xagga dalka Jibouti oo ay Somaliland xuduud wadaagaan.
Djibouti
Xeer ilaalinta dalka Djibouti ayaa shalay sheegtay inay labada qof ee weerarkaas fuliyay ka soo galeen xadka Somaliland, iyadoo askar ka mid ah kuwa soohdinta joogaa u fududeeyeen inay soo galaan caasimada.
Gabadha la sheegay inay Somaliya ka timi, lama caddeyn inay Madaarada Somaliland ka soo degtay iyo inay Dhulka soo martay, hase ahaatee Ninka la socday ayaa la sheegay inuu isaguna ka yimi dhinaca Itoobiya.
Warkan ka soo baxay dawladda Djibouti wax jawaab ah kamay bixin Somaliland ilaa hada.
Khatar Gobolka ku wajahan
Khibaradda dhanka amaanka ee Gobolka ayaa aaminsan in Ururka Al-shabaab ku fidiyo Dalal badan oo ku yaala bariga iyo badhtamaha Afrika, taasoo Ururka laftiisu caddeeyey inay dagaalkooda u bedeli doonaan dalalka Ciidamadu ka joogaa Soomaaliya oo ay Djibouti ka mid tahay.
waxaan tan iyo markii dhawaaqaasi ka soo baxay dad looga shakisanyahay Al-shabaab lagu qabtay dhawr dal oo ay ka mid tahay Tansania, Kenyana wali waxa ka sii socda weerarro ururkaas loo tirinayo.
Gobanimonews
Hargeysa Office
Email: editor@gobanimonews.com