Monday, June 2, 2014

Faashilka Xukuumadda iyo Qaraxa 2aad ee ka dhacay Waddada ugu amniga wanaagsan Hargeysa


Warbixin: Xukuumadda Oo Ku Fashilantay Inay Gacanta Ku Dhigto  Kooxaha   Amni Ku Ciyaarka Shaani-da Iyo Waddii Ugu Amniga Badneyd ee Madaxtooyadda Barigeeda ka dhacay..."GNA




qaraxHargeysa(GNA)-Mudo 5 Cisho ah ka hor waxa dhacay qarax xoogan oo meela badan oo magaalada ka mid ah laga dareemay dadka reer hargeysana walaac badan ku abuuray waxana uu ka dhacay Qaraxaasi Agagaarka dhismahii hore ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Dhismahii hore ee Xaruntii Xisbigii Burburay ee UDUB waxana lagu sheegay in uu qaraxaasi ahaa waxyaabo la macmalay oo Shaani in lagu farsameeyey lagu tilmaamay,raq iyo raad wax ka dambeeyey waxa ay Xukuumadda iyo Ciidamadeeda kala duwani cid ay u qabteen la ma arag iyada oo Wasiirka Arimaha Guddaha Cali Warancadde uu Si guracan ugu xidhiidhiyey dhacdadaasi Garabka mid ah labada dhinac ee isku haya Khilaafka Xisbiga Kulmiye halka aanu wax cadeyn ah iyo cid ay u qabteen midnaba la shir imanin Wasiirkii amniga iyo arimaha Guddaha dalka loo diray wax aan ka aheyn in uu Madaxtooyadda si aan loo baahneyn iska la saftay.




 Fashilaadii ugu weyneyd ee Xukuumaddu ay ku guul dareysato dadkan amni darada ka wada  Caasimadda Hargeysa oo aan cid gaar ah farta loogu fiiqi Karin ilaa ay xukuumaddu Cadeyn iyo dad ay u qabato oo falkaasi gacanta ku la jira la timaado waxa ay ka dhacday waxyar ka hor Salaadii Makhrib ee fiidkii,ka dib markii uu qarax xoogan oo ka xoog badan kii hore uu ka dhacay  meel aan halkii uu ka hoe ka qarxay  ka dhacay iyada oo  Walxahani aan la xaqiijin ee lagu sheegay  inay  Qarax Shaani-da tahay waxana uu ka dhacay meel u dhaxaysa wadda u dhaxaysa Xeradda Ciidanka Asluubta iyo Maktabada dhinaca Madaxtooyadda Bari ka soo xigta iyada oo nasiib daro aan cidii Qaraxaasi ka dambeysay Ciidanka Amnigu gacanta ku dhigin marka laga yimaado nin dhaawac ka soo gaadhay oo shaqaalaha dawladda ka tirsan oo la sheegay in uu meesha marayey dhinaca Wajigana dhaawac ka soo gaadhay.




Xukuumadda Somaliland gaar ahaan waaxda Amniga ee Wasaaradda arimaha Guddaha ayaa u muuqata mid ku guul dareysatay inay gacanta ku dhigto arintan amniga qaranka Somaliland la fo jabka ku ah iyada oo dhinaca kale warbixin laga naxay ay ka soo yeedhay dawladda aynu jaarka anahay ee Jabuuti oo sheegtay inay kooxdii Argagixisada aheyd ee dadka ku laysay dalkeeda ay uga soo gudubtay dhinaca Xudduuda Somaliland gaar ahaan Caasimadda Hargeysa oo Dawladda Jabuuti ay ku dooday inay dhibaatadda dalkeeda kooxaha Argagixisadu ka geysteen in ay Somaliland Cadeyn u hayaan inay ka yimaadeen arintaasi oo Sumcada iyo Jiritaanka qaranka Somaliland dhaawac weyn ku ah in dawladdeenu ogaan weydo kooxahaasi dalka kaga duulaya dalalka jaarka ah.




Ugu dambeyntii waxa Wasaaradda arimaha guddaha iyo waaxyadda kale ee amniga sida Taliyaha Ciidanka Bileyska iyo Sirtoonkaba la gudboon inay talaabo deg deg ah ka qaadaan cid kasta oo ay noqoto weerarkan khal khal gelinta iyo hatigaada ku ah shacab weynaha reer Somaliland ee  qarankoodu 33 jirsaday iyaga oo intaasi nabad gelyo taam ah iyo in gacan bir ah lagu qabto cid kasta oo amniga iyo kala dambeynta Somaliland isku deyda inay wax yeesho iyada oo aan cidna aan si qaldan loogu xidhiidhini la na siyaasadeynin arimahan inagu cusub ee dadkii shakiga galiyey/




Wariye Mr Hudle




Gobanimonews@gmail.com




Hargeysa Office/Somalil