Thursday, June 19, 2014

Maanta iyo Maxkamadda Hargeysa: Dacwad Murugsan iyo Masuuliyiin Xabad loo cabaystay


Hoos ka Daawo: Yuusuf Cabdi Gaboobe oo Mar kale Maxkamadda la horkeenay iyo Muuqaalo ka turjumaya wixii Maanta ka dhacay Maxkamadda




 


DSC03841Hargeysa(GNA)-Mulkilaha Wargeyska Xayiran ee Haatuf Yuusuf Cabdi Gaboobe ayaa maanta Maxkamadda gobolka la horkeenay.





Waa markii saddexaad ee Maxkamadda la horkeeno tan iyo markii Wargeyskiisa la xayiray, isagana xabsiga loo taxaabay.




Musharaxa Madaxweynaha ee Xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen, xubno ka mid ah hogaanka Ururka Saxaafadda iyo dad tiro yar oo u badan eheladda Yuusuf Cabdi Gaboobe,ayaa ka qayb-gelay dhegeysiga Dacwada.




Dacwada ayaa socotay muddo saacad ka badan.




Dadweyne tiro badan ayaa hor tubnaa Maxkamadda intii Dacwadu socota, kuwaasoo ka gadoodsanaa xadhiga iyo xayiraada Wargeysyada xidhan.




Dhinaca dawladda oo Muduci ka ah Kiiska waxa maanta ka joogay oo ka wakiil ahaa dhamaan Masuuliyiinta Dacwaysay wargeyska Xildhibaan Cali Maxamed Xasan (Cali Mareexaan).




Xeer ilaalinta ayaa  ku adkaysanaysay in Yuusuf Cabdi gaboobe iyo wargeyskiisu dambi ka galeen dawladda.




Mid ka mid ah xeer-ilaaliyeyaasha Kiiska oogayay ayaa hadalo dhiif leh ka yidhi Maxkamadda dhexdeeda.




Qareenadda difaacayay Wargeyska iyo Masuuliyiintiisa ayaa ka soo dareeray dacwadda, kaddib markii  Garsoore hore looga bedelay Kiiskan dib loogu celiyay.




Kiiskan ayaa dib loogu muddeeyay 24 Bisha June, sida uu Warbaahinta u xaqiijiyay Xoghayaha Guud ee Ururka Suxufiyiinta Maxamed-rashiid.




Fadhiga dacwadan oo ammaanka aad loo adkeeyay, isla markaana ciidamo RRU iyo Bilayska kale isugu jiraa gaadh ka hayeen, ayaa markii laga soo dareeray waxa dibad bax Salmi ahi ka dhacay  Maxkamadda horteeda.




Dadweyne Gadoodsan oo ku soo uruuray dadkii Hoolka dacwada ka soo dareeray ayaa la soo baxay Boodhadh lagu xardhay hal ku dhigyo lagaga soo horjeeddo cabudhinta Saxaafadda.DSC03858




Dadka ayaa ku dhawaaqayay ereyo ay ku dalbanayaan in la sii daayo Wargeysyada Hubaal iyo Haatuf.




Bilayska ayaa ku dhex dhacay Dadweynahan oo ay ku dhex jireen Masuuliyiin uu ka mid yahay Musharaxa madaxweynaha ee Xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen.DSC03861




Qaar ka mid ah Askarta ayaa Xabad u cabaysay Dumar ka mid ah Dadkii isku soo uruuray.




Boodhadhkii ay siteen ayaa dhamaantood halkii lagaga qaaday iyo khasab lagu kala dareeriyay.




Jawiga Maxkamadda ayaa ahaa mid cabsi badan iyo baqasho dadkii ka qayb galay dareemayeen.




Sababtoo ay tahay? Waxa meel walba taagnaa askar Bilays ah oo nooca argagixiso la dagaalanka loogu talo galay.




Wariyeyaasha Gobanimonews oo ku sugnaa Maxkamadda maanta ayaa qaaday qayb ka mid ah Muuqaallo muujinaya jawi aan caadi ahayn oo Maxkamadda hadheeyay inkasta oo aanay dad sidaas u badani goobta joogin.




“waxan Maanta halkan ku arkay waxa wax ka xun dacwadii 1982 ka dhacday ee dhalinyaradii UFFO lagu qaaday”sidaas waxa saxaafadda u sheegay Jamaal Cali Xuseen oo ah Musharaxa Madaxweynaha.




“Maxkamaddu waxay doonaysaa inay rido xukun loo soo diyaariyay oo ah, laba sanno oo xadhig ah, lix Milyan oo Ganaax iyo inuu Wargeyska Haatuf xayirnaado lix bilood oo dambe”ayuu yidhi Xoghaye Maxamed-rashiid oo warbaahinta la hadlay.DSC03835 DSC03836 DSC03837 DSC03838 DSC03839 DSC03840  DSC03842 DSC03843 DSC03844 DSC03845 DSC03846 DSC03847 DSC03848 DSC03849 DSC03850 DSC03851 DSC03852 DSC03853 DSC03854 DSC03855 DSC03856 DSC03857  DSC03859 DSC03860  DSC03862 DSC03863 DSC03864




Saleban Cabdi Cali (Kalshaale)




Gobanimonews




Hargeysa Office




Emaul: editor@Gobanimonews.com