Thursday, June 19, 2014

Al-shabaab oo Saldhigyo hor leg ka samaystay gudaha Kenya


Cabsida Ammaanka Geeska Afrika ma noqon doontaa mid dawladduhu iska kaashadaan?GNA




sheeeeeeeeNairobi(GNA)-Kooxda Al-shabaab ayaa sheegtay inay Saldhigyo ka samaysteen Gudaha dalka Kenya oo ay weerar caddaan ah ku qaadeen, tan iyo markii uu ciidamada nabad-ilaalinta u soo diray Soomaliya laba sanno ka hor.




Afhayeenka Hawl-galada Kooxda Al-shabaab Sheikh  Cabdicasiis Abu muscab, ayaa sheegay inay xarumo duulaan ka samaysteen gudaha dalkan,si ay uga fuliyaan weerarrada.




“weeraradii ugu dambeeyay ee aad arkayseen waxaanu u samaynay, si ay u sii fishaan cadowgayaga iyo kuwa kale inaanu halbowlahooda weerari doono sidoo kale”ayuu u sheegay warbaahinta salaasadii todobaadkan.




Kooxda Al-shabaab ayaa weeraro isdaba jooga ah oo maalmo isku dhow dhacay ka fulisay gudaha dalka Kenya, waxaana ugu dambeeyay weerar saacado qaatay oo afar maalmood ka hor ay ku qaadeen magaalo dalxiiska ku wanaagsan oo ku taala xeebta gobolka Laamu.




Madaxweynaha Kenya Uhuuru Kenyatta oo weerarkaas ka hadlay, ayaa sheegay inay ka dambeeyaan kooxo siyaasiyiin ah oo uu sheegay inay dalka Kenya u dhasheen.




Al-shabaab ayaa weerarrada ay ka fulisay gudaha Kenya sanadkan ay ku dhinteen dad kor u dhaafaya boqol qof, halka sanadkii hore 67 qof lagu dilay weerrar ay ka fuliyeen xarun Ganacsi oo magaceeda la yidhaahdo Westgate Moll.




Sii socoshada dagaalka ay ka fulinayaan Kenya ayaa muujinaya inay awood xoogaysanaysa ku yeesheen Gobolka.




Dadka ka faalooda arrimaha ammaanka geeska afrika ayaa tilmaamaya inay Kooxda Al-shabaab ku baahayso Mandaqada, isla markaana waddamo badan hawl-galo ka fulin karaan.




Wadamada reer Galbeedka ayaa iyaguna hore uga digay weerraro argagixiso oo lagu bartilmaameedsado Mawaadiniintooda ku sugan shan waddan oo Kenya, Itoobiya, Somaliland iyo Djibouti ka mid yihiin.




Xaaladaha noocan ah ayaa abuuraya cabsi badan iyo cidhiidhi nabad-gelyo daro oo soo foodsaaray Bulshooyinka Gobolka.




Gobanimonews




Kampala Office




Email: editor@gobanimonews.com