Friday, June 20, 2014

Kulan lagaga tashanayo Xeerka Saxaafadda Soomaaliya oo Nairobi ka dhacay


w3Nairobi(GNA)-Kulan looga tashanayo xeerka saxafada somaliyeed oo ay soo qabanqabisay wasarada warfafinta dowlada federalka somaliya ayaa lagu qabtay Hudheelka Madina ee Magaalada Nairobi Caasimada Kenya.




Shirkan ayaa waxa  ka soo qayb galeen xubno katirsan gudidda madaxbanaan ee ku hawlan xeerka saxafada soomaaliya,Wariyeyaal iyo Agaasimaha warbaahinta qaranka ahna xubin katirsan gudidda kuhawlan xeerka saxafada, C/raxmaan yusuf sheekh al-cadala iyo Liibaan cabdi warsame oo ah xoghayaa guud ee gudida  xeerka.w10




Kulankan waxa  hadal ka jeediyay Agaasime  C/raxmaan Al-cadala oo uga mahad celiyey kasoo qayb galayaasha isagoona sheegay in xeerka saxafadu uu soo marey marxalado kala duwan,hadana uu  marayo marxalad gabagabo ah.




 Liibaan Cabdi Warsame oo ah xoghayaha guud ee gudidda kuhawlan xeerka saxafada  ayaa sheegay in guddidan u soo magacabey wasiirka warfafiinta xukumada somaliya  mustafe sheekh cali dhuxulow .w4




Wasiirka Warfaafinta Mustafe sheekh Cali Dhuxulow oo qadka telefonka kaka soo qayb galey kulankan aya ugu mahad celiyey kasoo qayb galayasha.




Shirkan ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee lagu lafo-gurro Xeer u samaynta Saxaafadda Soomaaliyeed, waxaanay tani imanaysaa sanaddo badan ka ddib oo ay Suxufiyiinta Somaliyeed ku shaqaynayeen deegaan aan nabdoonayn iyagoo aan wax  xeerar dabaqayn.  w6




Cabdiraxmaan Buur-dhaab




Gobanimonews




Nairobi  Office




Email: buurdhaab4@gmail.com