Friday, June 20, 2014

Guddoomiyaha Garabka Haweenka Xisbiga UCID oo Hargeysa lagu xidhay


Hargeysa(GNA)-Bilayska Magaalada Hargeysa ayaa xabsiga u taxaabay Guddoomiyaha Garabka Haweenka Xisbiga UCID Xaliimo Cismaan Raage.




Xaliimo ayaa duhurnimadii la xidhay, xili ay ku sugnayd Meherad ganacsi oo ay Suuqa ku haysatay, iyadoo bilaysku ku xidheen Saldhiga dhexe.




Haweenaydan la xidhay ayaa ka mid ahayd dadweyne iyo Masuuliyiin xisbiga UCID ka tirsan oo ka qayb-galay dhegeysiga Dacwada Guddoomiyaha Wargeyska Haatuf.




Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay ciidanka bilayska oo lagu sababeynayo xadhiga Sarkaalkan xisbiga Mucaaridka ah ka tirsan, hase ahaatee saraakiil u hadlay xisbigaas, ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in amarka lagu taxaabay uu bixiyay Taliyaha qaybta Booliska.




“waxaanu umadda Somaliland u caddeynaynaa in maanta duhurnimadii la xidhay Guddoomiyihii Garabka Haweenka ee xisbiga Ucid, xadhigaasoo aanu u aragno mid xad gudub ah oo xaaraan ah”sidaasi waxa warbaahinta u sheegay Yuusuf Kayse Cabdilaahi oo ah madaxa warfaafinta ee xisbiga ucid.




Xadhiga Masuulkan ayaa saacaddo yar ka dambeeyay, mudaharaad aan wakhti badan socon oo dadweynihii Maxkamadda ka soo dareeray iyo kuwo dibada taagnaa ka hor dhigeen Maxkamadda.




Bilayska ayaa dadkaasi oo ay Masuuliyiinta ucid ka mid ahaayeen qoryo u cabaystay si ay u kala dareeriyaan.




Waa xadhigii horeeyay ee lagula kaco masuul Mansab heer qaran ah ka haya Asxaabta siyaasadda Somaliland, tan iyo markii saddexda xisbi la doortay sanadkii 2012-kii.




Madaxda Bilayska Somaliland oo aanu isku daynay inaanu wax ka waydiino xadhiga Masuulkan ayaanay noo suurto gelin inaanu helno, wallow qaarkood oo aannu la xidhiidhnay ka gaabsadeen kiiskan.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com