Hargeysa(GNA)-Dab ayaa ka kacay meel qashinka lagu uruuriyo oo ku taala badhtamaha Magaalada Hargeysa, xili ay dabeyl xoog badani ka dhacayso Magaalada.
Dabka ayaa labadii maalmood ee ugu dambeeyay ka hulaaqayay goobtan oo ku taala xaafado dhexdood, meel wax u dhaxaysa taliska guud ee Ciidanka Bilayska iyo qaybta Bir-jeex, waxaana qashinku wadhnaa Dooxa ilaa meel boqol Talaabo dibada ah.
Gaadiidka Dab-demiska Dawladda hoose ee Hargeysa, ayaa u soo gurmaday dabkan oo ku fidi gaadhay Dhul Geedka Garan-waaga loo yaqaana ku badanyahay, dhismeyaal dhagax iyo Jiingado ka samaysanina ka dhisanyihiin.
Dab-damiska ayaa bakhtiiyay Dabkaasi isagoo aan wax khasaare ah geysan.
Dadka halkaasi degen ayaa cabsi xoogan ka muujiyay inuu dabkani ku fido dhulkaaso, taasoo marka la eego Bii’ada deegaankan khatar badani ka dhalan lahayd.
“Walaahi hadii aanay dawladda hoose noo soo gurman nalama arkeen, dhamaan dhulkaas oo dhan guryaa ah oo dadbaa degen, markaa ilaahay hana qabto dabka”sidaasi waxa Gobanimonews u sheegay haweenay ka mid ah dadka xaafaddan degen.
Maayir ku-xigeenka Caasimada Hargeysa Cabdicasiis Cago-weyne iyo saraakiisha Ciidanka Bilayska ee Gobolka ayaa soo gaadhay goobtan xili ay socotay hawsha bakhtiinta dabku.


Gobanimonews
Hargeysa Office
Email: editor@gobanimonews.com