Tuesday, July 1, 2014

Dad reer Somaliland ah oo lagu xidhay Xadka Djibouti ee Lawyo-caddo


Badhasaabka Selel iyo Taliyaha Qaybta Bilayska Awdal  oo Jabuuti u  yeedhay iyo Gaadiidka labada dal isaga goosha oo wali xayiran…




lawyo-caddoLawyo-caddo(GNA)-Ciidamadda Ammaanka Somaliland ayaa Magaallada Xuduudka ku taalla ee Lowyo-caddo ku  xidh-xidhay Dad reer Somaliland oo u socday dalka Djibouti, kuwaasoo laga shakiyay.




Dadka la xidhay ayaa tiraddooda lagu sheegay 4 Qof, kuwaasoo saddex ka mid ahi ay xidhnaayeen saacado kooban Magaalada, halka Ninka saddexaad wali ku xidhanyahay halkaasi.




Dad  goob-joogeyaal ah ayaa Gobanimonews u sheegay in looga shakiyay falal amni daro nimanka xidhxidhan.




Arrintan ayaa ku soo aadaysa xili uu wali xidhanyahay xadka u dhexeeya Somaliland iyo Djibouti oo bishii May ee la soo dhaafay la xidhay, kaddib markii qaraxyo Kooxda Alshabaab sheegatay dad ku dhinteen ay ka dhaceen Magaalada Djibouti.




Gaadiidka gelaya Dalka Djibouti ee Somaliland ka baxa ayaa gabi ahaanba laga madnuucay inay dhaafaan Xuduudka Lowyo-caddo, halkaasoo xataa gawaadhida Xamuulka qaada aanay ka gudbin tan iyo bishii hore.




Gawaadhida kale ee dadka qaada ee isaga goosha labada waddan ayaa iyaguna aan dhaafin Lowyo caddo,waxaana rakaabka loogu keenaa halkaa.




Dadka iyo baddeecadaha waxa lagu soo qaadaa Gaadiid Djibouti laga leeyahay oo lowyo-caddo keena,waxaanay ku soo wareejiyaan kuwa  Somaliland u soo baxaya.




Dhinaca kale, Guddoomiyaha Gobolka Selel iyo Taliya qaybta Booliska Gobolka Awdal ee Somaliland ayaa habeen hore ka soo laabtay Caasimada Djibouti, halkaasoo ay dawladda dalkaasi ugu yeedhay.




Labada Masuul oo sida la sheegay ay dawladda Djibouti u yeedhay, ayaan ka hadal sababta ay dalkaas u tageen iyo waxa lagala hadlay.




Hase ahaatee  Ilo-wareedyo Gobanimonews ka soo xigatay saraakiil ka kala tirsan labada dhinac, ayaa sheegaya in sababta loogu yeedhay ahayd arrimo la xidhiidha nabad-gelyada, iyadoo masuuliyiinta Djibouti ka dalbatay inay si dhow ugala shaqeeyaan Hay’addaha Ammaanka ee dalkooda.




Warku wuxuu intaas ku darayaa inay Djibouti wali shaki weyn ka qabto inay Xadka Somaliland uga soo talaabaan dad khatar ku ah nabad-gelyada dalkeeda.




Labada dawladdood ayaan wali shucuubtooda u caddeynin hanaan wada shaqayneed oo ay ku damaanad qaadayaan inaan wax mushkilad ah xuduudka kala kulmin dadka caadiga ah ee isaga gooshaya.




Warar kale oo Gobanimonews ka heshay Magaalada Boorama ayaa sheegaya in maalmihii la soo dhaafay tiro dad ah laga qabqabtay Magaalada boorama, kuwaasoo xadhigooda loo aanaynayo arrimaha Djibouti.




Dhanka kale, waxa Gobolka Selel laga dareemayaa baadhitaanno ay Hay’addaha nabad-gelyada ee Djibouti ku galaa baxayaan deegaamadaas.




Diyaarrado joog hoose ku socda ayaa dul marayay Magaalada Saylac maalmihii la soo dhaafay, kuwaasoo aan la garanayn waxay doonayaan.




Diyaaradahan ayaa  sida laga soo xigtay Masuuliyiinta Gobolka ee Somaliland, waxa loogu talo galay  inay la socdaan dhaqdhaqaaqa dhanka badda iyo Bariga ee xuduudka.




Gobanimonews




Saylac Office




Email: editor@gobanimonews.com