Sunday, June 15, 2014

Carwo lagu soo bandhigayo wax-soosaarka Xabkaha iyo Faleemka oo Burco laga furay


DSCF2121




Burco(GNA)-Carwo lagu soo bandhigayay xabkaha iyo faleenka ayaa markii ugu horaysay lagu soo qabtay hotel Balza ee Magaalada Burco.




Bandhig Carweedkan oo ay iska kaashadeen,wasaarada Ganacsiga Somaliland ,Degaanka iyo horumarinta reer miyiga iyo Hay’ada SOFRECO,ayaa waxaa kasoo qayb galay wasiiro tiro badan oo ay ka mid yihiin,Wasiirka Arimaha Gudaha,Wasiirka Ganacsiga,wasiirka Degaanka,Wasiirka Beeraha,wasiiru dawlaha Wasaarada Waxbarashada,Sidoo kale Badhasaabada,Togdheer,Oodwayne,Sanaag,Saaxil,iyo waliba  Madaxda bangiga Aduunka  oo  goob joog ka ahaa.




Carwadan oo socondoonta Mudo laba Casho ah ayaa waxa Wax-soo saarkooda kusoo badhigay shirkadaha ka Ganacsada xabkaha iyo faleenka.




Dhinaca kale, Munaasibadda carwada lagu furay ayaa maanta wasiirada wasaarada Degaanka iyo horumarinta reer Miyiga Somaliland kaga dhawaaqday inay maalinta 15 Juneloo qaoonsanayo maalinta xabkaha iyo faleemka Somaliland.
Wasiirka Arimaha Gudaha Cali Maxamed Warancade oo ka hadlay furitaanka Carwadaasi ayaa  sheegay inay Xabkaha iyo faleemku yihiin wax soosaar qadiimi ah oo Somaliland.




Waran-cadde ayaa yidhi ''xabkuhu waa wax qadiimi ah oo masaaridii iyo faaraaciyiintii ayaa inaga iibsan jiray,waana wax ilaahay inagu manaystay waana waxaan la goynkarin,laakinn waxaynu u baahanahay in la ilaashado oo aan xaalufin,oo diirka aan laga gurin,berigii hore dhaqaale badan baa inaga soo gali jiray,dunida ayaynu dheerahay waa in la ilaaliyaa”ayuu yidhi.DSCF2128





Wasiirka wasaarada Degaanka Shugri X.Bandare oo halkaa ka hadashay ayaa sheegtay inay Xabagtu kaalinta labaad kaga jirto dhaqaalaha Somaliland.




“khayraadka dabiiciga ah ee xabkaha iyo faleenka,iyadoo uu kaalinta labaad ee dhaqaalaheena ama wax soosaarkeena ay beeyadu kaga jirto kaalinta labaad oo waxa kaliya ee ka horeeyaa waa xoolaha,Maanta oo ay bishu tahay 15/6/2014 waxaan u aqoonsanayaa maalinta qaran ee loo asteeyay malinta xabkaha iyo faleemka.waxaa loo baanahyahay in dadka dhiratan ka shaqeeya la ogaado caafimaadkooda daryeelkooda iyo inay haystaan waxyaabihii adeega bulshada ee ay baahnaayeen”ayay tidhi.
dhinaca kale, Wasiirka wasaarada Beeraha Faarax Cilmi Geedoole iyo wasiiru dawlaha wax barashada faahiye ayaa iyana si mug leh uga hadlay khayraadka dalka iyo sida loogu baahanyahay in  laga faa'iidaysto.
Badhasaabada Togdheer iyo Sanaag ayaa iyana si wada jir ah uga hadlay,in la ilaalilayo dhirtan khayraadka ah oo aan la cidhibtirin iyagoo sheegay inay hadiyo jeer ilaalilayaan cidii kootarbaan ahaan dhirta ku dabargo,naysa.
Gudoomiayaha shirkada RAHIIQ GUMS & RESIN Ismaaciil Siyaad Cabdi oo ka mid ahaa shirakadaha ka ganacsada xabkaha iyo faleenka ee soo bandhigayay waxsoosaarka ayaa isna ka waramay,faa'iidada ay xabkahani leeyiiin,waxaanu sheegay in daawo ahaan loo isticmaalo.




Sidoo kale laga sameeyo cadarada,isagoona sheegay in xabkahani ay u kala baxaan dhawr nooc, soona badhigay in ka badan toban nooc oo ay u kal bacdo beeyadu iyo faleenku.




Axmed Muuse Maxamed




Gobanimonews




Burco Office




Email: axmedmm9@hotmail.com