Kulan ay iskugu yimaadeen Dhalinyarada iyo Aqoonyahanka Beesha Axmed Sheekh Isxaaq Toljecle ee Caasimada Somaliland Hargeisa ayaa waxa ay baaq taageero ah ku taageereen musharaxnimada .Axmed Maxamed Maxmuud Siiraanyo oo ah Madaxwaynaha Somaliland inuu Noqdo Shanta Sano ee Danbe Musharax Madaxwaynaha ee Xisbiga Tallada Haya ee Kulmiye .
Taageeradaasi ay taageereen Dhalinyarada iyo Aqoonyahanka Beeshu waxay ka timid markii ay arkeen in intii uu xilka hayay Madaxwayne Siiraanyo uu waxqabad balaadhan ka muujiyey gobolada Somaliland isaga oo maanta la odhan karayo inuu yahay Madaxwaynihii waxqabadka Somaliland ku suntan , markaanu intaasi ku qanacnay ayaanu baaqan ku socda Musharax Madaxwayne ee Xisbiga tallada Haya ee Kulmiye ku taageeraynaa Madaxwayne Siiraanyo inuu mar labaad isku taago tallada dalka taasi oo uu u qalmo .
Waxa xaqiiqo ah nin madaxwayne siiraanyo uu maanta wadanka wax badan ka qabtay hadii ay noqoto Wadooyinka , Darajooyinka Ciidamada , Caafimaadka , Waxbarasho , lacagtii laga bedelay gobolada bariga Somaliland , ictiraaf raadinta , nabadaynta gobolkada bariga .
Markaanu waxaasi oo dhan aragnay oo ay maanta bulshada Somalilandna ay markhaati cad ka tahay waxqabadka xukuumada maanta joogta ee uu hogaamiyo Madaxwayne Siiraanyo ka Dhalinyaro iyo Aqoonyahano ahaanba ee ka soo jeeda beesha Axmed Sheikh ISxaaq Toljecle waxaanu taageero buuxda la garab taagan nahay Musharaxa Shanta Sano ee Soo socota Madaxwayne Axmed Maxamed Maxamuud (Siiraanyo ). Ugu danbayntii way ku midaysan yihiin Dhalinyarada iyo Aqoonyahanka beesha inay taageero buuxda siiyaan Madaxwaynaha Ahna Musharaxa Madaxweynaha Somaliland Mudane. Siiraanyo
Alla Mahad Leh