Goorma ayey waalan tahay? Goorma ayeyse miyir qabtaa ? xukuumada ina sanweyne waxay tidhi, waxaanu mamnuucney dhamaan shirarka in lagu qabto gobbolada barriga dalka ee Soo iyo Sanaag. Waxa is weydiin mudan, waa maxay sababta xukuumadu u soo saari weydey wareegto ka mamnuucaysa dhamaan wadanka Somaliland in lagu qabto shir beeleed ? waa maxay sababta ay meela gaar ah ula bartilmaameedsaneysaa? Taas Jawaabteedu wey iska cadahay oo gobbolada bariga waxa jira shakhsiyaad faro kutiris ah oo ka xanuusada nabadgelyada reer Somalilandl haystaan. Ok hadii dawladu gobbolada galbeedka ay shirarka u fasaxdey waa maxay sababta ay mar kasta gacanta ugula jirtaa, iyada oo ciidamo isticmaaleysa? Arintaasina wey iska cadahay, dowladu waxay dooneysaa iney buuq iyo qas ka dhex sameyso wadankan iyada oo rabta iney beelaha qaar ku tilmaanto in aaney Somaliland daacad ka ahayn. Hase yeeshee arimahaasi kama soconayaan. Maanta waxa muuqda in bulshadii reer soomaliland si fiican ugu baraarugeen nidaam xumada xukuumada Ina Sanweyne. Durba wey u cadaadtey in marka uu laasto tobbankaa billood ee u hadhey uu irrida si toos ah uga bixi doono.waxaa muuqata in aaney meesha oolin fursad dambe oo loogu kordhiyaa. Waa taas mida maanta dadku diyaarka u yahay. Sababta oo ah waxaanu weyney Madaxweynihii qarrankani soo doortey oo kaalintiisii noqotey ALIF WAX MAALE. Maanta shacabkan reer Somaliland ma ogolaanayaan raalina kama aha in ay xukumaan shaqsiyaad maqaar saar ahi. Hadii madaxweynaha ay dhibaato la soo deristey waxa xeerku ahaa in tallada uu sii qabto madaxweyne ku xigeenku, hae yeeshee maanta waxa muuqata in uu meesha joogo raysal wasaare iskii isu magacaabey oo reer Somaliland buro ku noqdey. Sheekadoodii waxay dhaafi laadahay suxufi isaga oo maxkamadii taagan uun bilaa xukun shabaglaha lagu qaadanayo oo xabsiga la dhigayo. Arimahaas dowladu wey diidey iney sifo sharci ah u marto oo kiiskeeda xalaaleysato hase yeeshee waxa taas u diidaya, waxba waaney ku haynba. Sababta ugu weyn ee lagu haystaana waxa weeyaan dhooqada iyo qudhunka aanu walaaqanee hanoo sheegin dadka. Sidaa ayaa xaalku ka dhigan yahay. Alxamdulilaah maanta boqolkiiba sideetan wey fahmeen musuqmaasuqa hadheeyey xukuumada ina sanweyne, waxay ku jirtaa xagxagashadii u dambeysey , markaa maanta waxa leynaga rabaa in aan ilaashano qarranimadeena xilliga kooban ee u hadhey xukuumadan. Waayo waxaad moodaa in aaney ugu tallo gelin sii jiritaanka Somaliland. waxaase iga dardaaran ah in aydaan dib u laaban. LET THE CRAVAN MOVES AWAY BUT THE DOGS BARKS . geediga ha la wado yeyguna ha iska ciyo
Allaa mahad leh
WACAYS AXMED MAXAMUUD
BARRE ADDUUNYO
bareadunyo@gmail.com