Madaxweyne Xasan Sheikh oo Xukuumadda Cabdiwali ku riixay dhaliilaha lagu casilayo..
Muqdisho(GNA)-Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud, ayaa markii ugu horaysay jawaab cad ka bixiyay eeddeymo ay dhawaan boqol Xildhibaan in ka badan u soo jeediyeen, kuwaasoo ka dalbaday inuu iska casilo xilka.
Xildhibaanada ayaa todobaadkan dhamaaday u gudbiyay qodobada ay u cuskadeen eedeymaha ay ku ridayaan, waanu ka guddoomay.
Xasan Sheikh Maxamuud oo xalay ka hadlayey Xaflad lagu xusayay Maalinta Dhalinyarada Soomaaliyeed ee 15 May, ayaa sheegay inuu Akhririyay dhamaan qodobada ay u soo qareen Mudaneyaashu, kuwaasoo tilmaamay inay dhamaantood shaqadii Xukuumadda ay yihiin, balse aanay doorkiisa shaqo ku salaysnayn.
Madaxweynaha ayaa ku dooday in Baarlamanka, Xukuumadda iyo dhamaan dhinacyada dawladda xil ka wada saaranyahay hir gelinta Hayaanka la doonayo in dalka lagu gaadhsiiyo Himilooyinka 2016 –ka loo dejiyay in la gaadho.
“Waxa aan rabaa in aan fursaddan uga faa’ideysto in aan wax yar ka dhaho taladii ay soo jeediyeen dhawaan xubno ka mid ah Golaha Shacabka. Waan akhriyey dhammaan qodobada ay ku xuseen ra’yigooda. Waxa ayna qadobadu ahaayeen kuwa kusaabsan howlaha xukuumadda. Kuwaas oo wax-ka-qabashadooda horumar weyn laga sameeyey, qaar kalena weli lagu howl jiro”ayuu yiri.
Madaxweynaha ayaa isagoo hadalkiisa sii wata yiri “Waxaa lama huraan ah in hayadaha dowladda oo dhan ay iska kaashadaan horumarinta wadanka. Baarlamaankana muhiimad gaar ah ayuu u leeyahay hor uu socodka wadanka, waxaanna kula dardaarmeynaa inuu dowr libaax ah ka qaato sidii dalka iyo umadda soomaaliyeed looga saari lahaa marxaldan adag ee ay ku sugan yihiin”.
Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud ayaa todobaadkii hore markii uu dibada ka soo laabtay Eeddeymaha loo jeediyay kaddib si kooban u sheegay inuu qadarin doono fikirka qof kasta oo mawaadin ah oo dhaliila shaqadiisa, wixii talo iyo tusaale ahna ka dhegeysan doono.
Laakiinse wuxuu intaasi ku daray in Xildhibaanada eedddeyay ka gudbeen Xayndaabkii dawladnimada iyo Milgaha wada shaqayneed, anuse taas ugaga hal celin khalad ee uu soo jeedintooda dhegeysanayo.
Hadalkan ka soo yeeray hada ayaa u muuqda mid dhiiri gelin ka helay Taageero shacbiga gudaha dalku u fidiyeen intii baarlamanku gil-gilay iyo kulamadii uu maalmihii la soo dhaafay kula lahaa Odayaasha Soomaliyeed ee Xildhibanada soo xulay.
Gobanimonews
Muqdisho Office
Email: editor@gobanimonews.com