Muqdisho, May 23, 2014 —(GNA)- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa maanta kormeer ku tagay Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Xukuumadda Soomaaliya iyo Bangiga Dhexe.
Waxaa Wasaaradda ku soo dhaweeyey Wasiirka iyo hawl-wadeenada Wasaaraddaas, isagoo warbixin ku saabsan qaabka ay u shaqeeyaan ka dhageystay shaqaalaha kala duwan ee Wasaaradda ugana mahad celiyay hawlaha ay qaranka u hayaan.
Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Mudane Saciid Jaamac Maxamed Qoorsheel oo ka hadlay munaasabadda ayaa sheegay inuu wax badan ka qabtay Wasaaradda muddadii uu xafiiska joogay isla markaana ay jiraan hawlo kale oo weli u dhiman. Wuxuuna ku ammaanay shaqaalaha Wasaaradda dadaalka dheeriga ah ee ay muujiyeen muddadii uu la shaqeynayey.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh oo munaasabadda ka hadlay ayaa uga mahadceliyey Wasiirka iyo shaqaalaha Wasaaradda sida ay u guteen waajibaadkoodii shaqo ee laga sugayey, wuxuuna ugu dambayntii xariga ka jaray Xarunta Diiwaan-gelinta oo dayactir lagu sameeyay.
Dhanka kale, Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa kormeer ku tagay Bangiga dhexe ee Soomaaliya isagoo halkaas kula kulmay madaxda Bangiga kana dhegeystay warbixin maaliyadeedka dawladda iyo horumarka ay hiigsanayaan.
Ra’iisul Wasaare Cabdiweli ayaa yiri“Waxaan maanta ku aragnay Bangiga Dhexe waxay tusaale cad u tahay horumarka maamulka maaliyadda ee ay dawladdu sameyneyso, waxaan shaqaalaha iyo hawladeenada Bangiga ku dhiirgelinaynaa inay sii wadaan dadaalkooda annaguna waan idin garab taagan nahay.”
Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in ahmiyadda koowaad ee dawladda ay tahay sugidda amniga, balse ay muhiimad gaar ah siinayaan kobcinta dakhliga dawladda iyo maalgashiga si kor loogu qaado horumarinta kaabayaasha dawladda.