Hargeysa(GNA)-Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Maayarka Degmada Southwark ee London Uk, Councillor Abdul Mohamed oo Booqasho ku jooga Somaliland.
Abdul Maxamed oo haysta Dhalashada Ingiriiska, balse isir ahaan ka soo jeedda Somaliland, ayaa todobaadkan booqasho ku yimi Magaalada Hargeysa, waxaanu ka qayb-gelayaa xuska 18 May.
Cabdifataax Siciid Axmed oo ah la-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Hay’addaha Caalamiga ah iyo Kuwa Maxaliga ah, Mulkiilaha Televisionka Caalamiga ah ee Horn Cable Tv Mudane Farxaan Xaaji Cali Axmed iyo Saraakiil Madaxtooyada ka tirsan , ayaa kulankaasi ku wehelinayay Maayirka iyo Madaxweynaha.
Sidoo kale Maayirku waxa uu kulamo la yeeshay, sida lagu sheegay war ka soo baxay Madaxtooyada , Madaxweyne ku xigeenka, Maareeyaha Xafiiska Samafalka iyO la taliyaha Arrimaha Dhaqaalaha ee Madaxweynaha Somaliland.
Sida lagu sheegay Faahfaahin ka soo baxday Madaxtooyada Somaliland oo ku saabsan waxyaabaha Maayirka iyo xubnaha la socday kala hadleen Masuuliyiinta ugu saraysa iyo Saraakiisha kale, ayaa sheegay in Madaxweynuhu Maayirka uga waramay xaalada dalka ee dhinacyada Dhaqaalaha, Siyaasadda iyo qorsheyaasha u degsan.
Madaxweynaha ku bogaadiyay Masuulka reer London Booqashada waddankiisa hooyo ee labaad, waxaanu u soo jeediyay inuu ka qayb qaato sidii Qadiyada Somaliland horumarinteeda uu uga qayb qaadan lahaa.