Saturday, May 17, 2014

Jeeni-yare: Ammaanka Caasimadu wuxuu ku jira gacanta Ciidanka”.


Cuqaasha Marood-jeex oo  ka qayb-qaadanaya Gaardiska 18 May”




Hargeysa(GNA)-Badhasaabka Gobolka Maroodi-jeex Maxamed Maxamuud Jeeni yare, ayaa  faahfaahin ka bixiyay kulamo isdaba joog ah oo Maanta ku dhex maray Xafiiskiisa Guddida Cuqaasha Gobolka Maroodi-jeex iyo qaybo kale  oo ka mid ah Ururrada Bulshada.




Shir jaraa’id oo uu ku qabtay Xafiiskiisa Maanta oo Sabti ah, loona diyaar garoobayo Xuska sanad 23-aad ee Gooni-isutaaga Somaliland, ayaa sheegay inay dhamaan Ururrada Bulshada iyo qaybaha kale ee Gobolku si wanaagsan ugu diyaar garoobayaan ka qayb qaadasha xuska Maalinta Qaran.




“sanadkii horena qiimeyn ayaa lagu sameeyay, sanadkana waa la qiimeynayaa sida ay ururrada Bulshadu uga qayb qaataan dabaal-dega, qaybta ugu wanaagsan ee muuqata waa la abaal marinayaa”ayuu u sheegay Gobanimonews  Jeeni-yare.




Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex ayaa sidoo kale hambalyo iyo bogaadin u diray dhamaan Ciidamada Amniga iyo kuwa ka hor taga cadowga, waxaanu caddeeyay in sugida amaanka kor loo qaaday.




“Waxaan Hambalyo u dirayaa dhamaan ciidamada qalabka sida ee habeen iyo maalinba heeganka ugu jira sugida ammaanka, dhamaan Ciidanka kuwa dharka Cas, kuwa dharka madow iyo kuwa dharka cadba waxaan leeyahay hambalyo halkaa ka wada hawsha”ayuu hadalkiisa raaciyay.




Saleban Cabdi Cali




Gobanimonews




Hargeysa Office