Sunday, May 18, 2014

Badhasaabka Togdheer oo Madaxweyne Siilaanyo u Xambaariyay libin aanu lahayn


 


Axmed Siilaanyo ma isu aaminsanyahay inuu ahaa Hogaamiyihii SNM markii dalka la xoreeyay?





DiriyesBurco(GNA)-Badhasaabka Gobolka Togdheer Maxamed Muuse Diiriye ayaa sheegay inuu Madaxwayne siilaanyo yahay ninkii  hogaaminayay SNM markii dalka lasoo galay.




Maxamed Muuse Diiriye oo ka hadlayay munaasibada 18 May ee Magaalada Burco lagu qabtay, ayaa sidii uu dar-jiidhay guulwadanimo siyaasaddeed waxa uu hadalkan u sheegay si Kalsooni leh, balse dadkii xaflada ka qayb galay ayaa badankoodu su’aal iska waydiiyay.




'' Bisha May waa bil inagu wayn 27kii burco ayaa lasoo galay 31 kii hargaysaa la soo galay,waxaa hogaaminayay maalinta ururkii SNM oo oday ka ahaa Dagaalkaana saxeexay Madaxwayneheena maanta jooga Axmed maxamuud Siilaanyo,maantana waa maalintii aynu magaaladan Burco kaga dhawaaqnay inaynu lasoo noqono Gobanimadeenii.”.




Hadalkan ayaa u muuqda mid si cad uga been sheegaya dhiga Taariikhda ee sii qoyan, waxaanu u markhaati furayaa hadal dhawaan Guddoomiyaha Xisbiga Ucid Faysal Cali Waraabe ka sheegay xaflad London lagu qabtay, taasoo uu ka sheegay inay xukuumadda Siilaanyo Guulwadeyaasha baro dheeraysay nidaamkii Siyaad Barre.




“hadii aynu dawladdii Milateriga ahayd ee Siyaad barre ku xaman jirnay Guul-wadeyaal, xukuumaddan siilaanyo ayaa baro dheeraysay”ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe oo sawir ka bixinayay ammaanta iska dhaadhicinta ah ee ay inta badan masuuliyiinta dawladdu ku bogaadiyaan Madaxweyne Siilaanyo oo aan wali jawaab cad ka bixin inuu ka raali yahay in kale.




Wakhtiyadii ay Dhaqdhaqaaqa Ururkii SNM soo galeen  Magaalooyinka Burco iyo Hargeysa, ayaa waxa SNM madax u ahaa Alle ha u naxariistee Madaxweynihii ugu horeeyay ee Somaliland cabdiraxmaan Axmed Cali.




Sidaa waxa Gobanimo u sheegay Axmed Maxamed oo Taariikhda wax ka qora.




Sidaasoo ay tahay Libinta Taariikheed ee Masuulkani u xambaariyey Madaxweynaha xilka u magacaabay ayaa noqonaysa mid meel ka dhac iyo manjaro habaabin ku ah xaqiiqda sooyaalka, waxaanay u muuqataa mid uu ku aasayo Taariikhda Madaxweynihii Halgamaaga ahaa ee SNM dalka soo gashay intii uu xukumayay.




Waxaana xusid mudan in Saraakiishii hogaaminayay Ciidamadii Burco qabsaday ee SNM noolyihiin, banaantahayna inay ka rug sheegaan arrintan oo kale.




Axmed Muuse Maxamed




Gobanimonews




Burco Office