Saturday, May 17, 2014

Amarka iyo Sharcigaba gacantayda ayaan ku fuliyaa


Amarka iyo sharcigaba gacantayda ayaan ku fuliyaa,sidaa waxa maxkamada gobolka hargeysa ka dhex yidhi wasiirka arrimaha gudaha Md.Warancade,isagoo si anshaxa xilka uu hayo,ka maxkamada iyo ka dhegaysta-yaashaba ka baxsan oo weliba hanjabaadi ku lingaxan-tahay cay ku afuufay Yusuf A.Gaboobe.




 




Dhegahay-gu may maqal,indhahayguna may qaban wasiirka ka hor nin xil haya oo maxkamada dhexdeeda si toos ah ku eedaysanaha ku yidhaa(Hooyadaa bahalkeeda waxaa ku same!).Bishan May 10dii waxay ahayd maalin ku xariiqan wasiirka arrimaha gudahu cumaamadii xilka,tii sharciga iyo tii dadnimo uu dhulka jiiday.




 




Waxa kale oo amakaag iyo fajac ku noqday shacabka maxkamada joogay sida Gudoomiyaha maxkamada ka garnaqaayay Md.Assad uu u baal-maray masuuliyadii sharci ee laga filaayay inuu dex u ahaado labada dhinac.Waxuu hoos uga dhacay xilkuu hayo ee gudoomiye-nimo,waxa uu isu dhigay kaaliye.Waxaanu cadaystay inuu si buuxda ula saftay dhinaca wasiirada,Sababtoo ah waxa u furnaa inuu laba mid yeelo:




 




1.Mar hadii eedaysana-yaashu aanay xidh-nayn, waxay ahayd iyagoo




 




   xor ah inay is-difaacaan oo aanu rumaan u dirin,waayo cida la




 




   xidhaa waa cida laga baqaayo inay baxsadaan.




 




2.Inuu kala cadeeyo denbiga in loo haysto wargeyska haatuf ama




 




   Loo haysto qorayaasha eedaynta ama masuuliyiinta maamulka




 




   Haatuf ugu saraysa oo ah Gudoomiyaha iyo Tafatiraha.




 




Maalintaa waxa shacabka u cadaatay garsoorku inuu wasiirada gacanta ugu jiro oo ay ka fushadaan hadba waxa ay doonayaan.Waxaana inagaga filan qaabka uu gudoomiyaha maxkamadu dacwada u dhegaystay,cayda wasiirku ku horeeyay ee fuusha xumayd oo aanu waxba ka soo qaadin iyo go’aanka sharciga baal marsan ee uu ku xidhay Gudoomiyaha iyo Tafatiraha wargeyska Haatuf oo yimi maxkamada iyagoon maxaabiis ahayn!




 




Waxa iyana sharciga baalmar-sanayd qaabka ciidanka boliska iyo RRU-da ay ula dhaqmeen dadweynahii ku sugnaa maxkamada dibadeeda oo tilmaan ka bixinaysay awood sheegashada iyo keli-talisnimada maamulku ku hogaaminayo dalka.Inkasta oo ay dacwadani u egtahay mid go’aankeeda la gaadhay hadana waxa ay fashilin doontaa ama fure u noqon doontaa madaxbanaanida garsoorka,cabudhinta saxaafada iyo awood sheegashada wasiirada.




 




Gabo-gabadii waxa aan soo jeedinayaa:




 




1.Inuu dhakhso isu-casilo ama xilka laga wareejiyo wasiirka  




 




   maxkamada dhex-deeda ka bilaabay cayda hooyada ee cadaystay




 




  inuu amarka iyo sharcigaba gacantiisa ku fuliyo.




 




2.In dacwada laga wareejiyo Gudoomiyaha maxkamada Md.Assad ee




 




   gacanta ku haya dacwada Haatuf.




 




3.In xoriyadooda dhakhso loogu soo celiyo Gudoomiyaha iyo




 




   Tafatiraha wargeyska Haatuf oo xadhi-gooda loo adeegsaday sifo




 




   ka baxsan sharci-yada dalka.




 




 




 




Xuseen Xasan Badmaax




 




Hargeysa/JSL