Tuesday, May 20, 2014

Al-shabaab oo sheegay inay Askar kenyan ah ku dileen Mandheera


kenya-clan-violenceMandheera(GNA)-Warbahinta ku hadasha afka Xarakada alshabaab ayaa waxa lagu sheegay in weerar maanta ay ku qaadeen Dagaalyahanada Alshabaab Deegaan ku yaala inta u dhaxeysa Ceel-waaq iyo Mandheera ay ku dillen askar katirsan ciidamada Kenya, kuna soo qafashen gadiid ciidamada kenya lahayeen.




 Warkan waxa lagu sheegay in weerarkan ay rag hubaysanioo alshabab katirsani  ku qaadeen ciidamo kenyan ah oo kusocday Degmada Mandheera,kuwaasoo ay qabsadeen 2 gaari midkale ay ku guben.




 Dhinaca kale dowlada kenya ayaa beenisay hadalkan kasoo yeedhay ururka alshabab.




 Taliyaha booliska Mandheera Noah Mwivanda oo qadka telefonka ugu waramayey wargayska standard ayaa sheegay in dagaalka ka dhacey Mandheera uu dhexmaray dhalinyaro hubaysan oo kasoo jeeda beelaha Gaare iyo Degoodi 3 qofna ay ku dhinte halka 15 kale ku dhawacmen.




Taliyaha oo hadalkiisa si wata ayaa waxa uu sheegay inay ciidamo kala dhex dhigen meesha dagalku ka dhacey.




 waxii warar ah oo kasoo kordha kala soco wararkayaga danbe.




By Abdirahmaan buurdhaab




Gobanimonews




Kitale/ Kenya Office




buurdhaab4@gmail.com