Sunday, November 16, 2014

Xildhibaanno saaka la xidhay oo la sii daayay iyo dad rayid ah oo wali xidhan

xildhibaan-Buubaa-475x441Hargeysa(GNA)-Shan Xildhibaan oo Saaka laga xidhay Golaha Wakiillada Somaliland ayaa xoriyooda dib u helay, kaddib markii gelinkii hore ee Maanta ay ciidanka bilaysku xabsiga u taxaabeen.

shanta Mudane ee la xidhay oo kala ahaa Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble, Xildh. Bashiir Tukaale, Xildh. Jaamac Xasan Aadan, Ibraahim Mahdi Buubaa, Xildh. Garyaqaan Maxamed-saalax, ayaa xoriyadooda loo soo celiyay shantii galabnimo, sida ay Gobanimonews u xaqiijiyeen xubno ka mid ah oo aan la xidhiidhnay.

ma jiro wax dhibaato ah oo gaadhay Mudaneyaasha oo la sheegay, balse waxa xusid mudan in qaarkood saaka ciidanku jidh-dil u geystay markii ay qabanyeen.

Geesta kale, waxa xabsiyada wali baaqi ku ah dad tiro badan oo 24-kii saacadood ee la soo dhaafay xiisada golaha wakiillada loo xidhay.

waxa ka mid ah wariyeyaal ka howl-gala warbaahinta madaxbanaan oo la qabtay iyagoo howl-maalmeedkooda shaqo ku gudo jira.