Sunday, November 30, 2014

Guri uu lahaa Guddoomiyihii hore ee Baanka Somaliland oo si xun Gubtay

waxa degenaa Xaaska Guddoomiyihii hore ee Baanka Somaliland Marxuum Cabdiraxmaan Ducaale..

Hargeysa(GNA)-Khasaare baaxad leh ayaa ka dhashay Dab ka qabsaday Guriga Guddoomiyihii hore ee Baanka Somaliland Alle ha naxariistee Cabdiraxmaan Ducaale, kaasoo uu degenaa Xaaskii iyo Caruurtii uu ka baxay Marxuumkaasi.

Gurigan oo kamid ahaa dhismeyaashii hore ee Shaqaalihii bangiga soomaliya, isla markaana ka samaysnaa Shub ah, waxa ku shuf-beelay dhamaan wixii hanti hoos taalay oo isugu jirtay Hu iyo maal.

Ma jiro wax khasaare nafaddeed ah oo ka dhashay Gubashada Gurigan Guddoomiyihii hore ee Bangiga, kaasoo sida ay dad goob-joogeyaal ahi Gobanimonews u sheegeen dadkii hoos-joogay uun laga badbaadiyay, balse wixii hoos-yaalay ku shuf-beeleen.

Dad goob-joogeyaal ah, ayaa sheegay in dabka guriga gubay uu ka kacay mid ka mid ah qolaalka Guriga, balse wax dhaliyay lama sheegin.

Dab-damiska Dawladda hoose ee Caasimada Hargeysa oo u soo gurmaday bakhtiinta Guriga ayaa soo gaadhay goor dambe oo uu shuf-beelay, waxaana lagu guulaystay goor dambe in la bakhtiiyo si aanu dabku ugu sii fidin guryaha kale ee jiiraanka ah.

Waxa uu dhismaha gubtay ka mid ahaa Guryaha dawladda ee ay masuuliyiintii xilalka ka soo qabtay dawladdu degenyihiin, waxaana Guriga siiyay Alle ha naxariista Cabdiraxmaan Ducaale madaxweynihii Geeriyooday ee AHN Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal.