Monday, November 24, 2014

Daraasad Caafimaad Oo Daaha Ka Rogtay Sigaarka Oo Dila 2 Million Oo Qof Sannad Walba!!!

Cigarette-Smoking-A-Human(GNA)-Denmark -Dad badan oo sigaarka caba ama dhuuqa ayaan dhakhso u ogaan ama u dareemin dhibaatada caafimaad ee Sigaarku leeyahay, sababta oo ah wakhti dheer ayey qaadataa in si dhab ah loo dareemo Caafimaad xumida uu keeno Sigaarku.

 

Waxa kale oo muhiim ah oo xusid mudan dhibaatada uu Sigaarku u gaysan karo dadka la nool kuwa sigaarka caba. Waxaa hubaal ah oo la xaqiijiyay in qofka la nool qofka sigaarka ku caba guriga uu la mid yahay sida isaga oo cabay oo kale (second-hand smoking).

 

Muxuu ka sameysan yahay sigaarku? Sigaar wuxuu ka kooban yahay seddex waxyaalood oo kala ah Nikotiin (Nicotine), Taar (Tar) iyo Karboon monoagside(carbon monoxide).

 

1) Nikotiinka: waa daroogada aad loo qabatimo sababta oo ah si dhakhso ah ayaa waxqabadkeeda loo dareemaa, waxay ku gaadhi kartaa maskaxda ilbidhiqsiyo (seconds)

 

marka sigaarka la cabaayo. Dadka qaar way ku adagtahay in ay iska daayaan Cabida sigaarka.

 

2) Taarka: wuxuu ka sameysan yahay kiimikooyin (chemicals) badan intooda badan keena kansarka.

 

3) Kaarboon Monoogside: waa hawada ka samaysanta marka la gubo sigaarka. Waxayna la mid tahay hawada ka soo badaxda Igsooska Gaadhiga (exhaust) Kaarboon monoogsidka waxay yaraysaa inta oxygen ee uu qaado dhiigaagu iyo inta uu jidhkaagu u baahan yahay.

 

Khataarta ku jirta sigaar cabidu maxay tahay?

 

Sigaar wxuu keenaa:

 

1-kansarka sambabada.

 

2-wuxuu kordhigaa kansarada ku dhaca afka, cunaha, mindhicirka, kaadi-haysta iyo ilmagaleen afkiisa iyo dhinacyadiisa.

 

3-inta ugu badan wuxuu keenaa Qufac-dherer (chronic bronchitis) iyo Infeseema.

 

4-waxa kale oo uu sababa cudurrada wadnaha iyo dhiig-furunka maskaxda (stroke).

 

5-wuxuu kordhiyaa khatarta dhiig-furunka maskaxda ee qofka durmarka ah ee isticmaasha kiniinka dhasha lagu kala fogeeyo (birth control pills).

 

6-wuxuu kordhiyaa oo kale kharta caafimad xumo ee haweenka uurka leh, waxa kale oo uu kordhiyaa in ay Hooyadu dhasho ilmo miisaankiisu uu yar yahay.

 

Nasiib wanaag waxa cilmibaadhid lagu cadeeyey in marka uu qofku joojiyo sigaarka ay 24 saac gudahood caadi noqonayaan wadna garaca iyo cadaadiska dhiigu (blood presure).

 

Karboon monoogsidkii jidhka ku jiray iyo wadno xanuunkuna hoos u dhacayaan sanad gudihiis.

 

in muddo ah marka aad sigaarka ka maqnaato……khatarta dhiig-furunka maskaxda, kansarka sambabka waxaad ula mid tahay sidii qof aan weligiiba sigaar cabin.

 

Cilmibaadhid la sameeyey ayaa sheegaysa in sigaarku dilo sanad walba dad gaadhaaya 2.5 million, tiradaas oo ka badan tirada dadka AIDS-ku dilo…….Dalka Maraykanka oo kaliya waxa uu sanadkii sigaarku dilaa dad ka badan 400, 000.

 

Sherkadaha sigaarka ka ganacsada ayaa macaash xad-dhaafa ku qabo dadka sigaarka caba ee caafimaadkooda gubaaya………..

 

Philip Mosrris ah maalqabeenada waaween ee sigaarka ka ganacsada war uu sii daayey sanadkii 1987 ayuu ku sheegay in dadaalka ka dhan ka ah sigaarku uu 600,000 oo dhalinyaro ah ka xanibay inay cabaan balwadaas sigaarka, sanadkii 1978 ayaa la sheegay in ay ugu badnaayeen dadka caba sigaarka nooca Marlaboro ee da’doodu ka yar tahay 17 sanno iyo weliba kuwa dhigta iskuulada sare, waxaana la ogaaday in sigaarku uu dilo dad ka badan 100 qof oo Maraykan ah maalintiiba

 

Waxaa jira qaylo dhaan ka yimi dhinaca Afrika, hay’ada caafimaadka aduunka ee marka la soo gaabiyo loo yaqaan WHO ayaa sheegtay dhawaan in dadka Afrika ku nooli ay cabaan sigaarka inta ugu badan aduunka, sababtuna waa aqoon la’aanta iyo shaqo laanta oo ku badan Afrika.

 

Shirkadaha sigaarka ka ganacsada ayaa ka sameestay Afrika xarumo waa weeyn oo warshado ah, iyaga oo ka soo cararaya lacagta tirada badan ee dalalka horumaray ku soo rogaan cashuurta warshadaha sigaarka soo saara, waxaana Afrika ugu baaqda lacag badan oo ay ku bixin jireen cashuurta, waxaana wax lala yaabo ah iyada oo aanay waxba ka qaban dawladaha ka jira Afrika.

 

Sigaarka oo guba ama madoobeeya wejiga qofka oo dila quruxda ilkaha ayaa waxa ugu daran ee uu keeno ay tahay cancer ka iyo sanbabada oo madoobaada iyo weliba shaxaad aan xishood lahayn.