Saturday, November 29, 2014

Xadhiga Dhalinyarada JIIDALI oo la cambaareeyay

Boqor BadmadowHargeysa(GNA)-Boqor Axmed Maxamed Xasan (Bad-madow) , ayaa cambaareeyay xadhiga ay dawladdu kula kacday hogaanka Ururka dhalinyarada ee Jiidali, waxaanu ku tilmaamay xadhigaasi mid lagu curyaaminayso horumarinta dhalinyarada ee loo aasaasay Dalada Jiidali.

Boqor Axmed oo Maanta Warbaahinta kula hadlay Magaalada Hargeysa, ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay talaabooyinka lagu cabudhinayo dhalinyarada Jiidali, isagoo xukuumadda ugu baaqay in si dhakhsaha loo sii daayo shanta xubnood ee ka xidhan Ururkaasi.

Hogaamiye dhaqameedkan ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday inaan Ururka Jiidali xadhiga iyo cadaadiska lagu hayo ku joojinayn fulinta ujeedooyinka loo aasaasay.

Waxaanu isagoo arrimahaasi ka hadlaya uu yidhi “Waxaan si kulul u cambaareynayaa Xadhiga ay Xukuumaddu kula kacday Hogaanka Ururka Dhalinyarada ee Jiidali, oo ilaa hada inta aan ognahay ay xidhanyihiin Guddoomiyihii, Xoghayihii, Afhayeenkii iyo xubno kaleba, waxaanan xukuumadda ugu baaqayaa inay si dhakhso ah xoriyadooda ugu soo celiso Dhalinyarada xidhan.”

Axmed ayaa isagoo hadalkiisa sii wata yidhi “Waxa kale oo aan umadda Somaliland iyo dawladdaba u sheegayaa inaanay xadhig iyo cadaadis kale toona Dhalinyarada Beesha ee JIIDALI ku joojin mabda’a ama hadafkooda iyo horumarinta iyo ka tashiga danaha Beesha, waxaan caddeynayaa inaanay Dhalinyarada Jiidali nabad-gelyo daro iyo wax dhibaato dalka ku ah toona wadin, xadhiga lagula kacayna uu yahay mid sharci daro ah, xaq-daro ah, laguna kicinayo bulshada .”.

Saddex ka mid ah hogaanka Urur-beeleedka Jiidali oo ay ku bahoobeen Dhalinyaro u badan aqoonyahano, ayaa xabsiga loo taxaabay saddex habeen ka hor, halka uu Guddoomiyaha Ururkaasina muddo saddex todobaad ka badan uu ku xidhanyahay Sal-dhiga dhexe ee Hargeysa.

Xukuumadda Somaliland, ayaan ilaa hada wax tafaasiil ah ka bixin sababta loo xidh-xidhayo dhalinyaradan abaabulka ugu jira ka-tashiga afkoortooda siyaasaddeed iyo horumarinta danahooda, siday ku caddeeyeen ujeedooyinka loo aasaasay.

Geesta kale, xubnaha hogaaminayay Ururka ee xidhan ayaa ilaa hada la horkeenin Hay’addaha garsoorka si loogu oogo hadii dunuub ay galeen, mana jiraan wax eeddeymo ah oo Bilaysku soo bandhigeen oo ku aadan xadhigooda.

Gobanimonews

Hargeysa Office

Email: editor@gobanimonews.com