Friday, November 28, 2014

Xaasaasiyadda Xogta, Xumadda Madaxtooyada iyo Xagal-daaca Kulmiye

Guddoomiye Cirro sheegay in Masuuliyiin Xilal ka haya Xukuumaddu ay Xisbigiisa Waddani ku soo biirayaan..waase kuma wasiirrada Waddani ku biirayaa?

Waa kuma Xoghayaha Warfaafinta ee Xisbiga Waddani?

boobeHargeysa(GNA)-Xisbiga Waddani, ayaa maalintii shalay Xaflad balaadhan ku qaabilay siyaasiyiin Miisaan iyo magac ku lahaa Xisbiga talada haya ee Kulmiye, xilalna ka soo qabtay Xukuumadda Siilaanyo, taasoo ka dhacday Hudheelka Crown ee Magaalada Hargeysa.

Siyaasiyiintaasi oo iyaga iyo Taageerayaashooduba si rasmiya ugu biireen Waddani, ayaa waxa ka mid ah Wasiirkii hore ee Wasaaradda arrimaha gudaha Maxamed Nuur Caraale(Duur), Wasiirkii hore ee Warfaafint Cabdiraxmaan Yuusuf Ducaale (Boobe), Wasiirkii hore ee Wasaarada Caafimaadka Dr. Xuseen Muxumed Maxamuud (Dr. Xuseen-Xoog), Xasiirkii hore ee Xidhiidhka Golayaasha Aadan Axmed Warsame, Wasiirkii hore ee Wasaaradda dib u dejinta, Guddoomiyihii hore ee isaga dambeeyey gobollada Maroodi-jeex iyo Togdheer Axmed Xaaji Cabdillaahi (Xamarje), Badhasaabkii hore ee gobalka Daadmadheedh Jamaal Hure, Agaasimihii hore ee Dib u dejinta Axmed Cilmi yare, Wasiirkii hore ee Boosaha iyo Isgaadhsiinta Cali Cilmi Geele, Xoghayahii hore ee dawladda hoose ee Hargeysa Deeq Xirsi Cambuur, Mareeyihii hore ee Wershadda Laydhka Hargeysa Wali Axmed Xaawa iyo Masuuliyiin kale oo tira badan.

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, ahna hogaamiyaha Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), oo Munaasibadaasi khudbad ka jeediyay daboolka ka qaaday inay Siyaasiyiintan Xisbiga Kulmiye ka soo digo-rogtay ay sahan u yihiin, Masuuliyiin kale oo wali Xukuumadda xilal ka haya oo isbedel doonka Mucaaridka ku soo wajahan, kuwaasoo aanu halkaasi ka magac-dhabin, hase ahaate uu si Dul-ka-xaadisa u sheegay inay Xisbigiisa imanayaan.

Cabdiraxmaan Cirro, ayaa sidoo kale xusay inuu Xisbigiisu soo dhaweynayo, cid kasta oo Masiirkeeda siyaasaddeed kula bahoobaysa, diyaarna u yahay inuu ka jawaabo dabeysha isbedel-doonka ah ee dalka ka dhacaysa, isagoo dhinaca kale Guddoomiye Cirro Khudbad dheer oo uu Munaasibada ka jeediyay kaga waramay xaalada dalka, sida nabad-gelyada, Amniga, khilaafkii Golaha Wakiillada ee la xaliyay, diyaar-garowga Doorashada iyo arrimo badan oo kale.

Guddoomiye Cirro, ayaa waxa kale oo uu si kulul u cambaareeyay xadhiga xubnaha Ururka Dhalinyarada Jiidali iyo tacadiyada xukuumaddu ku hayso, Saxaafadda Madaxbanaan.

“Waa Xisibi Qaran .Waa xisbi mucaarid ah. Waa xisbiga rajada Somaliland. Waa Xisbiga Dhallinyarada . Waa Xisbiga Haweenka. Propogaanadha xumaadda iyo TV qaranka wax u kordhiso mooyaan waxba yeeli mayso koritaanka Xisbiga. Madaxda xukuumadda iyo Madaxda KULMIYE waa u banaan tahay ku soo biirista Xisbiga WADDANI. Maanta waxa Xisbiga ku soo biiray wasiiradii xilalka hayn jiray iyo madaxda kale oo qarankana xilal kala duwaan ka soo qabtay sida Agaasiyaal Guud, badhasaabo, maareeyayaal iyo xilal kale.

Waxaan rajeynaynaa in kuwa xilalka hayaana dhawaan inagu soo biiraan. Maanta ummadda rajo kale uma muuqato.” Ayuu yidhi Guddoomiye Cirro.

Waxaanu intaasi ku daray “Xisbigu waa Xisbi nabadeed. Anna waxaan ahay Hogaamiye nabadeed. Hogaamiye doonaya shacbi iyo dal mideysan . Hogaamiye doonaya in dalkiisa iyo dadkiisa u noqdo adeege daacad ah. Adeege la nool bulshadiisa ku shaqeeya kana turjuma dareenkooda . Adeege dhege nugul oo sacaad kasta la heli karo .”

Guddoomiyaha Waddani isagoo ka dareen celinaya ku soo biirista Siyaasiyiintan ee Xisbigiisa waxa uu tilmaamay inay sahan u yihiin Indhaha Bulshada Somaliland. waxaanu yidhi “waxaan si farxad leh, diirran oo qalbi furan ugu soo dhaweyntaa madaxda ku soo kordhisay miisaankooda, cududooda, caqligooda , fekerkooda iyo waayo aragnimadooda Xisbiga WADDANI. Waxay hubaal ah inay SAHAN u yihiin shacbiga reer Somaliland tilmaan u tahay meesha shacbigu geediga ay KULMIYE kaga guurayaan reerka u rarayaan. “

Wasiirkii hore ee Wasaarada Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland Cabdiraxmaan Yuusuf Ducaale (Booble) oo munaasibadda isna ka hadlay, ayaa sheegay inay Xisbiga Waddani ka rajeynayaan dariiq maamul wanaag iyo isbedel wanaagsan oo lagu doorsado nidaamka lagu hodmay ee uu hogaaminayo Madaxweyne Siilaanyo.

Waxaanu yidhi “Waxaan halkan ka cadaynayaa in aanu u soo diga roganay xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI,waliba anaga oo badan,halkana aanu dan moodnay,waxaanu nahay isbadal doon,waxaan uga jeednaa isbadal togan,oo caafimaad qaba oo dad iyo dalba la mahadiyo,sidaas ayaanan is badal doon aanu ku nahay,waxaa kale oo aanu ka sii nahay haakah ma sug tada,waxaanu nahay haakah ma sugtada aanu sugin in mar danbe laga qaniinin,god hore looga qaniinay.”Sidaa ayuu ku sheegay Boobe hadal dheer oo uu madasha ka jeediyay.

Waxa kale oo iyaguna xafladaasi ka hadlay, xubno labada garab ee Xisbiga iyo Taageerayaasha uu soo dhaweeyay ka kala tirsan, kuwaasoo ay ka mid yihiin Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudah Maxamed Nuur Caraale Duur, Xildhibaano goleyaasha Baarlamanka ah iyo masuuliyiin kale, kuwaasoo ay inta khudbadahoodu ku taxaluqeen ujeedada Munaasibada oo ay ka soo qayb-galeen boqolaal Taageerayaasha siyaasiyiinta la soo dhaweeyay ka mid ahi.

Siyaasiyiinta ku biiray Xisbiga Waddani, ayaa ka sekow inay xilal ka soo qabteen Xukuumada, ka mid ahaa Guddida fulinta iyo Golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye, taasoo Xagal-daac siyaasaddeed iyo ,mid Taageeroba ku ah Xisbiga.

Bilowga Geediga Siyaasiyiinta

Geesta kale, waxay bilowga Guurista Siyaasiyiinta Miisaankan lihi Dhibiil dab ah ku tahay Qasriga Madaxtooyada sida la sheegay in muddo ku goodiyay inuu baajiyo Geediga xubnahan Mucaaridka galay , balse ku guul-daraystay.

Dhinaca kale, waxa xaasaasiyada iyo dareen kale ka dhex qarxinaysa Xukuumadda, isla markaana dhexdooda kala shaki gelin karta, kuwa ay yihiin ragga xilalka haya ee uu filayo inay xisbigaasi ku soo biiraan, waxaanay durba farta lagu godayaa xubno ka mid ah Golaha Wasiirada oo ay ka sii dhamaanayso Kalsoonidii uu ku qabay madaxweynuhu.

Inkasta oo aanay caddeyn kuwa ay yihiin xubnahaasi, hadana w dadka lafo-gura arrimaha siyaasaddu waxay si gaar ah diirada ugu hayaan inay noqon karaan Wasiirrada ugu tunka weyn xukuumadda qaarkood, kuwaasoo iyagu Shaadhkooda weyn inta badan kaga gorgortama Muxaafidka dhexdiisa.

Heshiiskii

Xisbiga Waddani iyo xubnaha Siyaasiyiinta ah ee uu soo dhaweeyay, ayaa kala saxeexday heshiis rasmiya oo ku saabsan qaabka ay uga mid noqon doonaan Xisbiga Siyaasiyiinta ex-Kulmiye iyo saamiga ay ku yeellanayaan.

Inkasta oo aan heshiiska labada dhinac isagoo qodobaysan aanay soo bandhigin, hadana waxa muuqata inuu yahay mid ay ku wada qanceen, isla markaana bilow u noqonaya wada howl-galkooda Mucaaridnimo.

Wasiirkii hore ee Warfaafinta, Wacyi-gelinta iyo Dhaqanka Boobe Yuusuf Ducaale, ayaa lagu wadaa inuu noqdo Xoghayaha Warfaafinta ee Xisbiga Waddani, sida ay Gobanimonews xogo hoose ku heshay,  halka xubnaha kalena ay ka mid noqon doonaan Wasiir sugeyaaasha Xisbiga.

Saleeban Kalshaale

Gobanimonews

Hargeysa Office