Monday, November 24, 2014

Somaliland oo Dhaleeceyn Caalami ah loogu jeediyay Dhalinyaro u xidhan Wasiir

Sharci-yaqaan Caalamiya Oo Ka Hadlay Xadhigga Muwaadin Da’yar Oo 19 Maalmood Ku Xidhan Xukun La’aan
Qaasim-Ismaaciil-Xasan (1)Hargeysa (GNA) - Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland, Cali Maxamed Waran-cadde, ayaa ilaa hadda iska dhago-marinaya baaqyada lagaga dalbanayo inuu xorriyaddooda u soo celiyo laba dhallinyaro ah oo uu si sharci daro ah u xidhay muddo 18 Maalmood ka hor ah.
Labada dhallinyarada ah, ayaa waxa ka mid ah Qaasim Ismaaciil Xasan oo uu Wasiirka Arrimaha guduhu si shaqsiya ugu xidhay Saldhigga dhexe ee Magaalada Hargeysa, iyada oo mudada intaasi leeg aan la hor-geyn Maxkamadaha sharciga ah, si ugu yaraan wax loogaga iskaga waydiiyo sababta xadhigga muwaadinka ah da’da yar.
Qaasim oo ka mid ah dhallinyarada hal-buurka leh, kuna takhasusay cilmiga ICT-ga ayaa xadhiggiisu waxa uu laf-dhuun gashay ku noqday ciidamada ammaanka ee ka hawl-galay qabashadiisa, maadaama oo muwaadinkii ay ku soo qabteen amarka wasiirka arrimaha gudaha aan ilaa hadda sharciga loo gudbin ama aan wax baadhitaan ah la marin sababta loo xidhay, sida laga soo xigtay Saraakiisha laamaha ammaanka.
Sidoo kale, waxa arrintan su’aalo iska waydiinaya dadka u dhaqdhaqaaqa xuquuqda dadka dulman, kuwaasi oo jawaab u la’ sababta muwaadinka dalkiisa joogaa muddo intaasi leeg ugu xidhnaan karo xukun la’aan.
Mowliid Cismaan, waa sharci yaqaan in badan la taliye u ahaa hay’adda caalamiga ah ee (World law Group), waxa uu ka hadlay sida xadhigga muwaadiniinta ee aan sharciga loo marin u waxyeelayn karo sumcadda waddanka ay ka dhacaan falalka noocan ahi “Xadhigga ah sida ka Qaasim waa kuwa ugu liita ee dalalka Afrika u horseeda sumcad daro, weliba waxa laga yaabaa in masuulka ay ku caddaato inuu si shaqsiya u geysto ay wadamada adduunku diidaan inuu u safro” ayuu yidhi, waxaanu intaasi raaciyey “Arrinta taasi ka daran waxa weeyaan in masuulka falkaasi ku kaca aanay isaga oo kaliya ku koobnaaneyn ee xukuumadda uu ka tirsan yahayna ay la yeelanayso Masuuliyaddeeda”
Mowliid Cismaan oo u waramayey koox Wariyayaal ah oo baadhitaan ku samaynaya xadhigga Qaasim Ismaaciil Xasan, ayaa ka digay in xadhigga loo geysto dhallinyarada dalka ee aan lagu haynin falal dhibaato ku ah qaranka “Waxaan ku talinayaa in laga fogaado xadhigga dhallinyarada aan dambi lagu haynin, waayo waxa ka dhallan kara kacdoono iyo naceyb loo qaado xukuumadda” ayuu hadalkiisa raaciyey, sharci-yaqaan Mowliid.

Qaasim iyo Guddoomiyaha Ururka Jiidali waxa xabsiga baaqi ku sii yihiin, iyadoo xoriyadooda heleen ashkhaas loo xidh-xidhay qulqulatooyinkii ka dhashay Khilaafka wakiillada qaarkood, kuwaasoo uu ka mid yahay Xog-hayaha Golaha Wakiillada Cabdirisaaq Siciid Ayaanle maanta laga sii daayay xarunta C.I.D-da oo uu todobaad in ka badan ku xidhnaa.

Sida ay Gobanimonews ku heshay Xoggo ku saabsan xadhiga wiilkan, laba maalmood ka hor, ayaa mr. Qaasim loogu bushaareeyay in lagu sii dayn doono damaanad uu Wasiir Waran-cadde ku xidhay xoriyadiisa, kaddib markii uu cadaadis kaga yimi Wasiirka Madaxtooyada Xirsi Xaaji Cali oo ku amray in faraha laga qaado. Inkasta oo sida ay noo sheegeen eheladiisu damaanada loo qoray Waran-cade, hase ahaatee wali waxa uu ku jiraa Sal-dhiga dhexe ee Caasimada Hargeysa.

 

Gobanimonews

Hargeysa Office

Email: editor@gobanimonews.com