Sunday, November 30, 2014

Reysal-wasaaraha oo si adag uga hadlay Dagaalka Sokeeye ee Xara-dheere

Muqdisho, 30, Novembar, 2014(GNA)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdiwali Sheikh Axmed ayaa ugu baaqay dhinacyada ku dagaalamaya deegaano hoostaga degmada Xarardheere in ay deg deg u joojiyaan colaada, isuguna yimaadaan miiska wada hadalka.

Dagaal u dhexeeya laba beelood oo Khasaare badan sababay ayaa maalmihii ugu dambeeyay ka socda deegaamo hoos-yimaada Degmada Xaro-dheere, kaasoo dhimasho iyo dhaawac dad laga soo sheegayo.

Ra”iisul Wasaaraha oo maanta Warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in dagaaladaan aysan ahayn kuwo loo cudur daari karo marka la eego khasaaraha nafeed ee ay geysanayaan iyo barakaca dadka deegaanka ku dhaqan.

“Beelaha Walaalaha ah ee dirirtu ka dhaxayso waxaan ugu baaqayaa in ay xabad joojin deg deg ah ku dhaqaaqaan, kana waantoobaan colaadaha macno darada ah ee ku soo noq noqonaya deegaanka” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Cabdiwali oo dhanka kalana sheegay in maamulada ka jira goboladaas looga baahan yahay ka qayb qaadashada daminta colaada iyo xal u helida mushkilada ka taagan deegaankaaas.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu baaqay odayaasha dhaqanka, nabadoonada iyo ururada bulshada rayidka ah iney u istaagan joojinta colaadaan, una fidiyaan gogol nabadeed dadka dirirtu ka dhaxayso, si meesha looga saaro colaada, loona soo celiyo kalsoonidii ka dhaxaysey dadka walaalaha ah ee wada daga degaankaas.

Dagaalkaan oo ka dhacay tulooyin u dhow degmada Xarar Dheere ee gobolka Galgaduud ayaa salka ku haya aanooyin qabiil, waxaana la soo sheegay in ay ku dhinteen dad gaarayaa ilaa 15 qof sidoo kalana ku dhaawacmeen ugu yaraan 20 qof oo kale

Gobanimonews

Muqdisho Office

Email: editor@gobanimonews.com