Tuesday, November 25, 2014

Qoyska reer Siilaanyo oo Dhamaalo tacsi ah lagu boobay.Daawo

siilanyo deraALLE HA U NAXARIISTEE waxa Magaalada London ku Geeriyooday oo lagu aasay Jaamac Maxamed Maxamuud (Bureeqa), oo ay walaalo ahaayeen Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo.

“Madaxda Qaranka JSL oo uu ugu horeeyaan Madaxweyne ku xigeenka JSL Md Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil & Suldaanka Guud ee Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan C/Qaadir, Madaxda Axsaabta Qaranka, Xildhibaanada labada Gole Baarlamaan, Golaha Wasiirada, Taliyayaasha Ciidamada Qalabka sida, Gudoomiyayaasha Gobolada Dalka, Ururada samafalka Wadaniga ah iyo Qaybaha kale ee  Bulsho-weynta Somaliland ayaa si wadajir ah tacsi tiiraanyo leh u diray Madaxweynaha JSL Md Axmed maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyagoo ka tacsiyadaynaya geeridii ku timid walaalkii Marxuum Jaamac Maxamed maxamuud oo ku Geeriyooday Dalka Ingiriiska”, sidaasi waxa lagu sheegay War lagu daabacay Wakaallada Wararka ee Dawladda oo ay ka soo muuqdeen masuuliyiin tiro badan oo laamaha dawladda iyo Xisbiga talada haya ka tirsani.

Halkan ka Daawo:



Taliya Ciidanka Qaranka Somaliland ayaa isna dhambaal tacsi ah oo gaara u diray Qoyska Madaxweynaha Geerida ku timi Walalkii. “Taliyaha Guud ee Cidianka Qaranka JSL Sareeye Gaas Ismaciil  Mohamed Cismaan Shaqalle is agoo Ku hadlaaya Magaciisa iyo kan guud ahaan Ciidanak Qaranka Jamhuuriyada Somaliland  Waxaa uu Tacsi Tiiraanyo Leh Udirayaa Madaxdweynaha Jamhuuriyada Somaliland Ahmed Mohamed Mohamoud Siilaanyo isagoo Katacsiyadeynaaya geeridii Taxdinta Laheyd ee Ku Timid Walaalkii Jaamac Maxamed Maxamuud Aadan oo ku Geeriyooday wadanka Ingiriiska waxaanu Taliyaha Cidianak Qaranku  Marxuumka alleh uga Baryeyaa inuu naxariistii Jano Kawaraabiyo ehelkii qaraabadii iyo qoyska Samir iyo iimaan kasiiyo Amiin Amiin Amiin.”

Geesta kale, waxa dhambaal tacsi ah oo ku socda qoyska Madaxweynaha lagu yidhi sidan: Gudoomiyaha Ururka SODRA Ahmed Mohamed Shaqalle isagoo Ku hadlaaya Magaciisa iyo kan guud ahaan bahda SODRA Waxaa uu Tacsi Tiiraanyo Leh Udirayaa Madaxdweynaha Jamhuuriyada Somaliland Ahmed Mohamed Mohamoud Siilaanyo isagoo Katacsiyadeynaaya geeridii Taxdinta Laheyd ee Ku Timid Walaalkii Jaamac Maxamed Maxamuud Aadan oo ku Geeriyooday wadanka Ingiriiska waxaan marxuumka alleh uga Baryeynaa inuu naxariistii Jano Kawaraabiyo ehelkii qaraabadii iyo qoyska madaxweynahana Samir iyo iimaan kasiiyo Amiin Amiin Amiin.”

Bahda GNA“Alle ha naxariisto Jaamac Bureeqa intii uu ka baxayna samir iyo Iimaan Saadiq haka siiyo” Aami Aamin Aamin.