Tuesday, November 25, 2014

Booliska Hong kong oo xidh-xidhay 80 ka mid ah Mudaharaadeyaasha

honkoMonkok(GNA)-Booliska Hong kong, ayaa xidh-xidhay dad ka badan 80, ruux oo ka mid ah Dibad-baxayaasha dawladda ka soo horjeeda ee dalkaasi Salaasada maanta.

Mudaharaadeyaasha Dimuquraadiyad doonka ah ayaa xidhay waddooyinka Mongkok district Labadii bilood ee u dambeeyay, taasoo si looga kaxeeyo jidadka xidhan ay Ciidanku Sunta dadka kaga Ilmaysiisa u isticmaaleen gelinkii hore ee Maanta.

Afhayeen u hadlay Booliska ayaa sheegay in dadkan ay samaynayaan mudaharaad sharci daro ah, booliskuna ay nabad-gelyada ka sshaqaynayaan.

Dibad-baxayaasha ayaa aad uga walaacsan awooda iyo cadaadiska dheeraadka ah ee uga imanaya Ciidanka Bilayska.

qaar badan oo ka mid ah ayaa cabsi weyni la soo deristay.