Sunday, November 23, 2014

“Wasiirka Ciyaaruhu ma Gabiley-buu necebyahay, mise timo-cade?”Xildh. Xasan Cawaale

XASANA CAWAAHargeysa(GNA)Xildhibaan Xasan Cawaale Caynaan Oo Ka tirsan Mudaneyaasha Aqalka Wakiilada Somaliland ayaa Wasiirka Ciyaaraha Cali Siciid Raygal ku eedeeyay inuu si badheedh ah isu-hor-taagay qabashada kedis Ciyaareedkii Koobka lagu xuso Abwaan Suldaan Timacadde oo sanad walba lagu qabto Magaalada Gabiley.

Xildhibaan Caynaan oo Maanta Warbaahinta kula hadlay Magaalada Hargeysa ayaa ku doodday inaanu ilaa hada garanayn sababta Wasiir Raygal u joojiyay qabashada Koobka lagu xusuusto Abwaankii weynaa ee Cabdilaahi Suldaan Timo-cade, waxaanu talaabadaas ku tilmaamay arrin fool xumo iyo fowdo bilow u ah.

“Waxaan halkan ka sheegayaa, uguna bayaaminayaa dhalin yaradii aan ugu balanqaaday, inaan qabanayo Koobkii aan ugu magac daray Marxuumkii halyayga ahaa Ee Abwaan Timacadde” ayuu yidhi Xildhibaanku.

Xildhibaanku waxa uu sheegay inuu hore ugu qaban jiray Koobkan Degmada Gabiley “Koobkan sanad walba waan qaban jiray oo Gabiley ayaan ku qaban jiray, waxaana ka soo qayb gali jiray Ciyaartoy fara badan.Ciyaartoyga aan doorkan ugu tala galay inay ka soo qayb galaan waxay ahaayeen Boorama laba kooxood ayaa ka imanayay, Hargyesa laba Kooxood ayaa ka tagayay, Berbera-na laba Kooxood, waxaanan doonayay inay dhalinyaradaasi isku bartaan koobkaas aan ugu magac daray Suldaan Timocadde, abwaankaas caanka ah” ayuu yidhi Xildhibaan Xasan Cawaale.

Waxaanu intaasi ku daray “haddaba arin khatar ah oo aanan filayn baa dhacday oo Wasaaradda Ciyaaraha ayaa si cad iigu tidhi ma qabanaysid Koobkaas,, mana garanayo ujeedada laga leeyahay ee Wasiirka Ciyaaruhu iigu yidhi ma qaban kartid,ma Gabiley buu neceb yahay, ma Dhalnyarada ayuu neceb yahay, ma Abwaan Timacadde iyo Gabayadiisii ahaa dugsi ma leh qabyaaladi waxay dumiso mooyaane ayuu neceb yahay..wasiirkaasi sababta uu u diiday koobkaan dhigayay ma garanayo”.

Inkasta oo uu Xildhibaan Xasan Cawaale sidan ku eedeeyay Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha oo uu si gaar ah u taabtay inuu amarkan isagu bixiyay, ma jiro wax jawaab ah oo wasaaraddu dhaleeceynta iskaga difaacday.