Thursday, November 27, 2014

Xamarje, X. Xoog, Boobe, Geelle, Duur iyo Ex-Wasiirro kale oo ku biiray Xisbiga Mucaaridka ah

Xafladii Waddani, Xumadda Madaxtooyada iyo Xagal-daaca Kulmiye ..Warbixin

siyaasiyiin ciiroHargeysa(GNA)-Siyaasiyiin Miisaan ku lahaa Xisbiga Kulmiye, Xukuumaddana Xilal ka soo qabtay, ayaa si rasmiya ugu biiray Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani.

Waa hormadii ugu horaysay ee ka soo guurtay Xisbiga kumiye iyo Xukuumadda oo ka mid ah Rakaabkii gaarka ahaa ee Madaxweyne Siilaanyo iyo Muuse Biixi, waxaana ka mid ah Badhasaabkii hore ee Gobolka Maroodi-jeex, Muj. Axmed Cumat Xaaji Cabdilaahi Xamarje, Boobe Yuusuf Ducaale, Maxamed Nuur Caraale Duur iyo Xuseen Maxamed Maxamuud Xoog oo dhamaantood Xilal Wasiir ka soo qabtay Xukuumadda Siilaanyo.

Xisbiga Waddani ayaa maanta Xaflad balaadhan oo uu ku qabtay Magaalada Hargeysa, ku soo dhaweeyay Siyaasiyiintan iyo Taageerayaashooda.

Munaasibada lagu soo dhaweeyay Taageerayaasha, ayaa ahayd tii ugu balaadhnayd ee Xisbigu ku qaabilo dad ku soo biiray, waxaana ka soo qayb-galay Dad boqolaal ruux.siyaasiyiin cii

Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Cirro oo munaasibadaasi hadal ka jeediyay ayaa sheegay inay Xisbi ahaan gacmo furan iyo guri loo simanyahay ku soo dhaweynayaan Siyaasiyiinta iyo Taageerayaashooda.

Badhasaabkii hore ee Gobolka Maroodi-jeex Axmed Cumar Xaaji Cabdilahi Xamarje oo xaflada ka hadlay ayaa isaguna ku dheeraaday sababta ku keliftay inay ka soo digo rogtaan Xisbigii ay Halganka siyaasadeed Kursiga ku fadhiisiiyeen ee Kulmiye.

Xamarje, ayaa daboolka ka qaaday inuu dhamaaday hayaan Xisbiga kulmiye, waxaanu madaxweyne Siilaanyo uga digay dib-u-dhac ku yimaada Doorashada Madaxtinimada ee dalka.



“Waxaan leeyahay  Xisbiga Waddani waad mahadsan tihiin intiina sii Shaqaysay,intii dambe anagaa idin kala wareegayna ee ku Abshira, hadday af iyo hadal noqoto, hadday Karti noqoto, waxaanu idinka balan qaadaynaa inaanu idin nasino, waayo? Waxaanu nahay Xisbi yahan aad iyo aad u yaqaana Xisbiga iyo Ololaha.Xisbiga iyo Ololuhu waa Dawarsi, waa Akhwaan Liibaan,waxaanan isleeyahay inaanay jirin cid nagaga haboon aniga, Xuseen Xoog iyo Duur, markaa waxaan idin leeyahay Dawarsigaa anagaa hore u soo dawarsan jiray inkasta oo aanu ku khasaarnay ee anaga noo dhaafa” ayuu yidhi Mr Xamarje.

Badhasaabka hore ee Maroodijeex iyo Togdheer waxa kale oo uu farriin adag u diray Madaxweyne Axmed Siilaanyo “Mudane Madaxweyne waxaan kuu sheegayaa maalinta ay gaadho 26-ka Juun wixii ka dambeeya waad garanaysaa haddaad  maalin ku darsato wixii inoo balan ahaa.taana waxaan ka balanqaadayaa haddii ay 10 ku dhimanayaan iyo hadday 20 ku dhimanayaan ba anagaa kuu codaynay, maalintaanu kuu codaynay waynu isla garanaynaa, wixii ka dambeeya ilama aha inaad xoog nagaga fadhiyi doonto. Waxaan ku kalsoonahay oo aan kugu dhiiri galinayaa Madaxweyne cidkasta oo aad soo sharaxdo ama adigu isa soo sharax ama cid kale soo sharaxoo inaad tartan  xalaal ah soo gasho” ayuu yidhi Mr Xamarje.  siyaasiyiinta cirri

Wasiirkii hore ee Caafimaadka Xuseen Xoog, Wasiirkii Warfaafinta Boobe Yuusuf Ducaale iyo Maxamed Nuur Caraale Duur, oo iyaguna halkaa ka hadlay, waxay iska daba mareeen hadafkooda ka dambeeyey ku biirista Mucaaridka.




Xuseen Xoog ayaa yidhi “Walaalayaal, waxaan xalay TV-ga qaranka ku arkaayay, Nin aanu Saaxiib dhawna aanu nahay, Ehel dhawna aanu nahay,Ninkaasi wuxuu yidhi Waxaad iga qortaan Ninka guuray ee Xisbigiisii ka guuray ee meel kale u guuray isaguun baa wax is yeelay ee cid kalena wax tari maayo.

Waxaan leeyahay Saaxiib, Walllaahi Ninka Dulmi dugsaday ee Caddaalad daro dugsaday ee Musuqmaasuq dugsaday ee Qabyaalad Dugsaday ee ka tagi waayay, isagaa wax is-yeelay If iyo Aakhiraba.Waanu gedgedoomaynaa, waanu war-wareegaynaa, hadduu Cabdiraxmaan Cirro iyo Waddani na qancin waayo waanu ka wareegaynaa, danta qarankaanu u wareegaynaa oo Isbedelka dhabta ah ayaanu u wareegaynaa.Xisbiyadu ma Diin baa, ma Caqiidaa, haddii ay samayn waayeen wixii dadku ka rabay”



Siyaasiyiintan Xisbiga Waddani ku biiray ee u badan Wasiirradii soo maray Xukuumadda Siilaanyo ee la bedelay, ayaa Miisaan culus ku lahaa xisbiga Muxaafidka ah ee Kulmiye, waxaanay ka tirsanaayeen Guddiyada fulinta iyo Golaha dhexe ee Xisbiga talada haya.

Tanina waxay dhimbiil dab ah ku tahay aqalka Madaxtooyada iyo Golaha Xukuumadda oo uu ku jiro xisbiga Kulmiye oo hore u lumiyay xubno kale oo saameyn ku lahaa Saaxada Siyaasadda muxaafidka.

Sida Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble iyo siyaasiyiin kale oo xaflad noocan oo kale dhowr todobaad ka hor Xisbiga Waddani ku qaabiley.

Saleeban Kalshale

Gobanimonews

Hargeysa Office

Email: curad1986@hotmail.com