Saturday, November 29, 2014

Siyaasiyiinta Gobalada bariga S/land ee somaliweyn Aamisani waxay dhib ku hayaan deegaanadooda Cali khaliifna kuwaasuu ka mid yahay…musharax ku xigeenka Ucid.

Siyaasiyiinta Gobalada bariga S/land ee somaliweyn Aamisani waxay dhib ku hayaan deegaanadooda Cali khaliifna kuwaasuu ka mid yahay…musharax ku xigeenka Ucid.
,Xisbiga ucid xukuumadu waxay ka samaysay dacaayado badan waayo waa xisbiga qudha ee looga cabsi qabo inuu ku guulaysto talada dalka,… Dr.C/rashiid xasan mataan,
cabdirashiid-mataanHargaysa(GNA).musharaxa madaxweyne ku xigeen ee xisbiga mucaaridka ah ee Ucid Dr.C/rashiid Xasan mataan ayaa dhaliilay siyaasiyiinta reer Somaliland,ee wali ay ku jirto fikrada Somaliweyne inay dhibaato ku hayaan gobalada ay ka soo jeedaan dhalasho ahaan,waxaanuu sidaasi ku sheegay mar uu maanta u waramaayay Shabakada wararka ee Gobanimonews.com .
Dr. c/rashiida xasan mataan ayaa ugu horayn soo dhaweeyay talaabada ay Golaha wakiiladu ku meel mariyeen Ansixinta Xubnaha koomiishanka doorashooyinka Qaranka Somaliland,isaga oo dhanka kalana u hambalyeeyay koomishanka Cusub ee doorashooyinka qaranka, isaga oo ugu duceeyay in ilaahay u fududeeyo xilka qaranka looga igmaday waxaanu yidhi.
,waxa ilaahay mahadiiya in maata ay inoo qabsoontay arin muhiim ku ah qaranimada iyo geedi socodka dimuquraadiyada,waana arinta ansixinta koomishanka oo mudaba qabyo ku ahaa golaha wakiilada,ilaahay iidankii waxaan rajaynayaa inta u dhimana hawlahoo iyaguna inay qabsadoonaan ilaahay ha idin waafajiyo sida khayrku ku jiro oo ah inay dalkan ku hogaamisaan,doorashoyin xora oo xalaala waan u ducaynaynaa koomishanka cusub.
Dhinaca kale musharax madaxweyne ku xigeen ayaa sheegay in uumaanta uu dhaqaaqay taayirkii doorashadu islamarkaana waxa doorashada ka hadhay uu yahay arimo farsamo sidaa darteena ay ku kalsoon yahiin in doorashadu xiligeedii ku qabsoonto.
Waxa uu sidoo kale ka gaabsaday inuu wax jawaaba ka bixiyo wararka sheegaaya in xoghayahii maaliyada ee xisbiga ucid oo dhawaan iska cashisay xilkii xoghayenimo ee xisbigaasi ay ka baxday xisbiga ucid kuna biirayso xisbiyada kale.
Sidoo kale musharax ku xigeenka ucid Dr.c/rashiid xasan mataan oo ka jawaabaayay su,aal nuxurkeedu ahaa in khilaaf ka dhex jiro xisbiga ucid ayaa kaga jawaabay Eedo uu xukuumada dusha uga tuuray oo ah in xukuumada siilaanyo ay dacaayado aan jirin ka dhex wado xisbiga Ucid,taas oo uu ku sababeeyay in xukuumadu uga baqayso inuu yahay xisbiga kaliya eek u guulaysan kara doorashada madaxtooyada ee sanadka 2015 la filaayo inay dalka ka dhacdo waxaanu yidhi.
,Xisbiga ucid xukuumadu waxay galisay dacaayada ugu badan waayo waa xisbiga qudha ee cabsi laga qabo inay talada dalka ku guulidoonaan isha,alaahu tacaala laakiin waanu iskaga dulqaadaynaynaa,,
Geesta kale Dr,c/rashiid xasan mataan mar la waydiiya aragtida uu ka qabo in wada hadlo lala galo Siyaasiga fashilmay ee Cali khaliif galaydh,isaga oo soo dhaweeyay in lal hadlo waxaanuu sheegay in cali khaliif galaydh uu yahay muwaadin reer Somaliland,islamarkaana uu yahay nin cadhooday oo aanay ahayn in lagu xukumo cadhadiisa taasinay ay tahay waxyaaba ay u wadaan isbadal uu dalkani gaadho,balse waxa uu xusay in siyaasiyiinta reer Somaliland ee ka soo jeeda gobalada bariga ee wali aaminsan mamda soomaliweyn oo uu ka mid yahay cali khaliif ay dhib ku hayaan deegaanadooda, dadka ku dhaqan Gobalka Soolna ay yahiin dad reer Somaliland,waxaanu yidhi.
,ninkaasi waa muwaadin somalilander nin cadhooday laguma xukumo cadho dadka sool waa dad reer Somaliland, dadban oo reer somalilandna ayaa jooga somaliweyne oo ka jooga gobalada dhexe iyo gobalada bari iyo gobalada galbeedba laakiin barigu mushkilada dhacday waxa weeyaan waa dadka qudha ee dhibaatada ku haya deegaanadoodi,
,qolada gobalada dhexe ka jooga soomaliweyn dhibaato kuma hayaan deegaanadoodii kuwa Awdalna kuma hayaan waa ayaan daro hadii ninkaasi uu halkaa uu ka hawl galay oo siyaasadiisi halkaa noqotay dee inuu deegaankiisi dhibaato ku hayo,Sool waa dad somalilander wixii tabasho ahi waa waxyabaha nagu kalifaaya in aanu dalka isbadal ka samayno.
Si kastaba ahaatee dalka musharaxa madaxweyne ku xigeen ee xisbiga ucid Dr.c/rashiida xasan mataan ayaa ku soo beegmaaya wakhti ay xisbiyada dalku iyo siyaasiyiintuba ku kala qaybsameen in wada hadal lala galo siyaasiga cali khaliif galaydh oo hada isagu talaabooyin colaadeed ka wada gobalada bariga sonmaliland,iyada oo dhawaana uu gudoomiyaha golaha guurtidu xaaraan ku tilmaamay wada hadal ay xukuumadu qaban qaabinayso in loo furo cali khaliif galaydh.
Mustafe Axmed(Herer)
Gobanimonews.com/office.
Hargaysa/Somaliland.
Email:herersax@gmail.com