Friday, November 28, 2014

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Shil-gaadhi ku galay Dacar-budhuq +khasaare

Dacar-budhuq(GNA)-ku dhawaad saddex qof ayaa ku dhaawacmay Shil gaadhi oo ka dhacay Laamiga isku xidha Hargeysa iyo Berbera, agagaarka Magaalada Dacar-budhuq, abaaro Salaadii Maqrib ee caawa.

Shilka ayaa ka dhashay Baabuur ay wateen Wefti Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland hogaaminayay oo dhanka Berbera u socday iyo Gaadhi Rakaab siday oo nooca Nouh-da loo yaqaano ah.

Mid ka mid ah Dadka Shilka ku dhaawacmay ayaa ah Imaamkii masaajidka Degmada Dacar-budhuq. waxa kale oo ka mid ah Wiil uu dhalay Madaxweyne ku-xigeenku oo la socday weftiga.

Dad goob-joogeyaal ah ayaa Gobanimonews u sheegay in Weftiga Madaxweyne ku-xigeenka Dadkii ka dhaawacmay isla markiiba loola cararay Cisbitaalka Berbera, halka kuwii Rayidka ahaa goor dambe loo soo qaaday, kaddib markii ay iska dhaafeen weftigu, iyagoo aan wax gurmad ah u fidin.

Shilkan ayaa ilaa hada inta la ogyahay aanay jirin cid ku dhimatay. badi dadkii dhaawacmay ayaa la soo gaadhsiiyey Magaalada Hargeysa.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Laamaha Nabad-gelyada waddooyinka oo la xidhiidha sababta dhalisay shilka, hase ahaatee weftiga Madaxweynaha ayaa la sheegay inay shil kale ku sii galeen Gudaha Magaalada Hargeysa Galabta casarkii xilli ay ka ambo baxayeen.