Wednesday, November 26, 2014

Hooyo Ilmo Yar Oo Ay Dhashay Ku Iibisay $100

iibin gabdheeAustralia, (GNA) - Nin ka yimid dalka Chile ayaa ku kharash gareeyey $100 dollar si uu haweenay uga iibsado ilma yar oo ay dhashay.
Iibkan oo ku dhacay habka Online-ka wax loogu kala iibsado, ayaa markii dambe hooyada ilmahan yar oo da’deeda lagu sheegay 18 jir ay gacanta ka galisay ilmahaasi yar ee ay dhashay kadib markii la bixiyey kharashkii cusbitaalka uu ku dhashay ilmahaasi, sida uu ku waramay website laga leeyahay dalka Australia.

Hase yeeshee dawlada dalkaasi ayaa bilawday baadhid kadib markii aabaha ilmahaasi yari uu u gudbiyey cabasho uu ku sheegayo in ilmihiisa la afduubay.

Waxaana kiis maxkamada ka bilaabmay lagu sheegay in ay runta iyo cida iibisay ilmaha ay ka salgaadhi doonaan, isla markaana ay xukunka la ridi doona sida ugu dhakhsaha badan, iyadoo ninka ilmaha iibsaday iyo haweenayda iibisayba loo badinayo in lagu rido xukun ah ka ganacsiga caruurta.