Tuesday, November 25, 2014

Dr. Galaydh oo ku Cataabay in Xasan Sheikh Dhabarka u jeediyey Aqoonsiga Khaatumo

Saleeban Gaal oo ku eedeeyay inuu Raadkiisa dib u raacay Galaydh...

galaydh calLondon(GNA)Reysal-wasaarihii hore ee Soomaaliya, ahna hogaamiyaha Maamulka Khaatumo State Cali Khaliif Galaydh ayaa caddeeyay inay Dawladda Soomaaliya Dhabarka u jeedisay aqoonsiga Maamulka Khaatumo ee Dhawaan ku caleemo saaray Deegaanka Saax-dheer, beesha Caalamkuna diiday inay u gacan-dhaafto arrimaha SSC Dawladda.

Dr. Galaydh oo muddooyinkan dambe ku sugnaa Dalka Maraykanka, ayaa sidoo kale sheegay inay waji-gabax ku tahay diidmada iyo cago-jiidka madaxweynaha Soomaaliya ay kala kulmeen,waxaanu ku sababeeyey in Xasan Sheikh uu ku ixtiraamayo Somaliland wadahadalada u socda labada dal awgood.

“Beesha Caalamku way ka dheregsantahay xaqa aanu u leenahay inaanu maamul samaysano, laakiinse waxay noo cadeeyeen in arrinta Khaatumo meesha ay ka dhaqaaqi la’dahay ay tahay Xamar, waxay nagu yidhaahdeen arrintiinu xamarbay ka dhaqaaqi la’dahay annaguna ma faro gelin karno arrimaha gobolladaas”ayuu yidhi Galaydh oo Waraysi dheer siiyay BBC-du.

Dr. Galaydh, isagoo sii sharaxaya caqabadaha uu kala kulmay dawladda Soomaaliya, kuna doodaya in xuquuq Dastuuri ah layska hortaagay, waxa uu yidhi “hadii la qaatay Nidaam Federaal ah, oo la yidhi maamulo hala sameeyo, meesha Baarlamankii iyo hogaankii dalku joogo ee loo baahanyahay in wax ka hagaagaan waa Muqdisho, tiibaad moodaa inay-yan waxba ka soconayn oo khaatumona si gaar ah looga diidanyahay, goboladii kalena wali howshoodii wax badani ka khaldanyihiin”.

Cali Khaliif ayaa intaasi raaciyey “Dadka meesha joogaa waa dad Midnimada Soomaaliya raba, waxa lagu laynayo ee Ciidanka Somaliland Xabbada ula dhacayaana waa midnimada, laakiinse waxaan aaminsanahay in Xasan Maxamuud ka door bidayo inuu aqoonsado, wadahadalada u socda Somaliland oo uu isleeyahay waxay keenayaan inay Somaliland soo noqoto”. - “ waxaan aaminsanahay inuu Xasan tix-gelinayo wada hadalada oo uu isleeyahay way bur-burayaan hadii aad Khaatumo ictiraafto, “waa laga yabaa inaan khaldanahay, laakiinse anigu waa sidaan aaminsanahay”.

Mr. Galaydh ayaa sidoo kale, sheegay inay fikirkiisa maamul u samaynta SSC soo dhaweeyeen madaxda dawladda qaarkood uu la kulmay,isagoo intaasi raaciyay in duwalka caalamku aad u danaynayaan nabad-gelyada Gobollada, sidaasi darteed ay ugu celceliyaan Maamulada Somaliland iyo Puntland inay faraha kala baxaan Dhulkaasi.

Somaliland oo Eedeysay Galaydh

Somaliland, ayaa Hogaamiyaha Khaatumo Cali Khaliif Galaydh ku eedeysay inuu colaad ka hurinayo Gobollada bariga, siiba Sool iyo Buuhoodle oo uu dhalasho ahaan ka soo jeedo, halkaasoo laga caydhiyey Deegaamo uu marba mid xarun ka dhigto.

Ciidanka Somaliland ayaa markii ugu dambeysay ka saaray Galaydh Deegaanka Saax-dheer oo wax yar u jirta Xuduudka Somaliland iyo Itoobiya ee gobolka Sool, halkaasoo uu uga baxsaday dhinaca Gudaha Itoobiya, laakiinse Buuhoodle ayuu booqasho ku tegay intii Madaxtinimada loo doortay.

Waraysigan uu bixiyay waxa kale oo uu sheegay in Maamulkiisu afar degaan oo gobolka ah uu hada si wanaagsan uga howl-galay, lagana sameeyay Xafiisyo, isagoo intaasi raaciyay inay sida ugu dhakhsaha badan u xorayn doonaan deegaamada kale ee laga haysto.

Ilaa iyo markii Saax-dheer laga eryay, ma jirin wax dagaal ah oo dhex maray maleeshiyaadkiisa iyo Ciidanka SomalilandGeesta kale, Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan oo shalay ka hadlay sida uu u arko sheegashada Galaydh ee Maamulka Khaatumo.

Saleebaan Gal

Guddoomiyaha Guurtida Somaliland Saleeban Maxamuud Aadan, ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay in siyaasigan heer reysal-wasaare ka gaadhay dawladda soomaaliya uu ku soo noqdo hogaamiye maamul-beeleed.

“Ismaan lahayn Ninka reysal-wasaare ka gaadhay Soomaaliya wuxuu ku soo noqon doonaa hogaamiye beeleed, inuu kuwa Kuraasta ku fadhiya ku qabsato oo kula loolamo mooyaane” ayuu yidhi Saleeban-gaal oo Maanta Warbaahinta kula hadlayay Caasimada Somaliland ee Hargeysa.Saleebaan-Gaal.jpg

Gobanimonews

London Office

Email: editor@gobanimonews.com