Saturday, November 22, 2014

Xaflad dad badan xasuusisay dabayaaqii 2009 iyo horaantii 2010 dhabadii Xisbigii udub oo maanta kulmiye qabtay.

Xaflad dad badan xasuusisay dabayaaqii 2009 iyo horaantii 2010 dhabadii Xisbigii udub oo maanta kulmiye qabtay.
Hargaysa(GNA).Munaasibad uu xisbiga kulmiye ku soo dhawaynaayay taageerayaal aan wali la aqoonsan xisbigay ka tirsanaayeen balse lagu sheegay inay ka soo diga rogteen xisbiga siyaasiga ah ee Waddani ayaa lagu qabtay hotelka Guuleed ee magaalada hargaysa, munaasibadan oo ahayd mid laga dheehanaayay habacsanaan baahsan oo ka muuqatay dadkii ka soo qayb galay ee lagu casuumay ayaa waxa ka soo hogaanka sare ee xisbiga kulmiye .
xubno la sheegay inay ku hadlaayeen afka gudiyada jaamacadaha magaalada hargaysa iyo gudiyada ururka macalimiinta ee xisbiga waddanim,balse lagu sheegay inay maanta ku biireen kulmiye ayaa ugu horeyn ka hadlay kuwaas oo dhamaantood shaaciyay inay ku biireen xisbiga kulmiye, xoghayaha guud ee xisbiga kulmiye iyo gudoomiye ku xigeenka xisbiga kulmiye muj.maxamed kaahin axmed oo iyaguna ka hadlay ayaa ku faanay in xisbiga kulmiye yahay xisbiga midnimada iyo horumarka iyaga oo soo dhaweeyay kooxdan ku soo biirtya.
Gudoomiyahay xisbiga kulmiye muj.muuse biixi cabdi oo isna soo afmeeray xafladaasi ayaa ugu horayn u mahad naqay golaha guurtida Somaliland,isaga oo ku amaanay go,aanka ay ka soo saareen khilaafkii golaha wakiilada Somaliland.
Si kastaba ahaatee xafladan ayaa ahayd mid dad badan soo xusuusisay daba yaaqadii iyo horaantii sannadahii 2009 iyo 2010,dhabadii uu maraayay xisbigii saaxada siyaasada ka baxay ee Udub oo isagu wakhtigaasi munaasibado u qaban jiray dad aan la aqoonsan haybtooda siyaasadeed kaas oo ay ku sheegi jireen inay ka soo diga rogteen xisbiga kulmiye oo isagu wakhtigaasi ahaa kii ugu adkaa xukuumadii Riyaale iyo xisbigiisii uduba,balse xisbi xaakimka kulmiye ayaa wakhti u muuqda mid isagu dhabadii UDUB maraaya .
Mustafe herer
Gobanimonews.com
Hargaysa/Somaliland.