Friday, November 28, 2014

13 Soomali-british ah oo Maxkamad lagu taagay Kufsi iyo ka Ganacsiga Gabdhaha

dhalinyaroBristol (GNA)-Saddex iyo toban qof oo Soomaali ah. ayaa magaalada Bristol ee dalka Britain maxkamad loo soo taagay dambiyo ah in ay gaysteen tacadiyo ka dhan ah galmada , oo lagula kacay gabdho aan qaan gaar ahayn, sidaa waxa wariysay BBC-da Khamiistii shalay.

13 Qof oo dhamaantood Rag ah, ayaa sidoo kale tacaddiyada loo haysto waxa ka mid ah kufsi iyo sidoo kale ka ganacsiga jirka gabdhaha.

Sida la sheegay, Xaakimka maxkamadda, ayaa loo sheegay in shan ka mid ah 13-ka qof ay kufsadeen Gabadh 16 jir ah halka walaasheed oo 14 jir ahna uu kufsaday mid ka mid ah raggani.

Warku wuxuu intaasi ku daray in Baadhitaan ay boolisku sameeyeen, lagu ogaaday koox kale oo Soomaali ah oo tacaddiyo u geysanayay afar gabdhood, kuwaasi oo la siiyay lacag gaadheysa 30 Gini iyo maandooriye si ay ula seexdaan rag ka da’ weyn oo ka tirsan bulshada Soomaalida ee halkaas deggan.

Maxkamadda, ayaa loo sheegay in gabdhaha qaar laga dhaadhiciyay in dhaqanka Soomaalida uu ka mid yahay in ragga ay gabdhaha kala beddeshaan, waa sida lagu sheegay Warbixinta Kiiskan la xidhiidhee.

Lix ka mid ah kooxda, ayaa xabsi lagu xukumay bilo ka hor halka toddobada kale la xukumay arbacadi la soo dhaafay, markii dacwadooda la dhegeystay.

Bulshada Soomaalida ee Bristol, ayaa arrintaasi cambaareysay, waxaana warbixin qoraal ah oo ay soo saareen ku sheegeen in falkaasi uu yahay mid aan loo dulqaadan karin.