Saturday, November 29, 2014

Golaha wakiilada somaliland oo ansaxiyay xubnaha cusub ee koomishanka doorashooyinka

Golaha  WakiiladdaHargeysa(GNA).November-29-2014-Guddida Doorashooyinka Somaliland oo Maanta golaha wakiiladu cod aqlabiyad ah ku ansixiyay ayaa sheegay in hawl culus loo igmaday islamarkaana ku shaqaynta Caddaaladda iyo hufnaantu ka go’an tahay.
Siciid Cali Muuse, oo u hadlay Komishanka Doorashada ayaa sheegay inay u mahadcelinayaan Mudaneyaasha Wakiilada iyo Shirgudoonka “Waxaanu aad ugu mahadcelinaynaa Shir gudoonka Golaha wakiilada iyo Xubnaha golaha oo goor dhawayd na ansixiyay” ayuu yidhi Siciid Cali Muuse.
Wariyaha Caanka ah ee Siciid Cali Muuse oo haatan ka mid ah Komishanku waxa uu sheegay in hawsha loo igmaday tahay mid culus “Waxaa na saaran Hawl culus oo naloo igmaday, oo xil wayn ah.Waxaanu ku dedaalaynaa oo naga go’an inaanu ku shaqayno oo ka hawl galo dalkan Jamhuuriyada Somaliland,hawshaas oo ah midnimo, wada shaqayn iyo tan ugu muhiimsan oo ah Caddaalad, waayo? Haddii aanu Caddaaalad ku shaqayno wax naga xun ma jirayo”
Siciid Cali Muuse, waxa kale oo uu Bulshada Somaliland u soo jeediyay inay la shaqeeyaan Komishanka islamarkaana barbar istaagaan “Shacabka Somaliland, haddii aanay nala shaqayn oo aanay wax nala qaban maaha mid aanu waajibkayaga iyo Shaqadayada gudan karayno” ayuu yidhi Mr Siciid Cali Muuse.
Komishanka Doorashada Somaliland ee cusub ayaa saaka si siman u helay Kalsoonida Golaha wakiilada, iyadoo Mudaneyaasha Wakiilada oo 70 Mudane ahaa 69 mudane codkooda siiyeen halka aanu Gudoomiyuhu codayn.

Guddidan Doorashooyinka ee cusub ayaa mudo xileedkoodu noqonayaa 5 sano, iyagoo xilka kala wareegaya Komishanka hore ee doorashooyinka oo lagu dhaliilay doorashadii 2012-ka ka dhacday Somaliland
mustafe axmed herer
gobaninmonews.com