Tuesday, November 25, 2014

Qodobo Kaa Caawin Kara Dhiiri Galinta Naftaada

10347615_704839102904714_7334382179106629535_n

1: Wanaaji Xidhiidhka Aad Illaahay la leedahay waayo fashilka ugu horeeya ee noloshu wuxuu ka bilaabma in qofku ku guul daraysto inuu la xidhiidho Illaahay.

 

2: Mar kasta oo aad guul gaadho Illaahay xus oo xasuuso una mahad celi.

3: Noqo qof leh samir iyo dhabar adayg uu ku wajihi karo duruufaha ku gadaaman noloshiisa.

 

4: Yeelo jadwal kugu haga waxaad qabanayso iyo sidaad u qabanayso.

 

5: Samayso waqti aad naftaada ku raali galiso oo u sheeg inay tahay mid wanagsan wax kastana qaban karta.

 

6: U fikir si taban waayo fikirkaagu waxa uu go’aamiya nooca shaqsi ee aad noqonayso oo hadduu fikirkaagu yahay mid togan hab dhaqankaaga aad nolosha ku wajahaysaana waxa uu noqonayaa mid togan wax kastana wuxuu kugu noqnayaa wax adag deetana quus ayaad istaagaysaa, laakiin hadaad ku wajahdo fikir taban wax kastaba wuu kuu fududaanayaa si dhib yarna waad u qabanaysaa.

 

7: Samayso waqti aad ku qiimayso waxqabadkaaga shaqsiyadeed.

 

8: Ha noqon qof afka uun wax ka sheega kana go’aamiya laakiin ha wada socdaan go’aankaaga iyo waxqabadkaagu.

 

9: Samayso dad kugu dhiiri galiya inaad wax noqoto oo han iyo himiloba leh.

 

10: Haka baqan inaad samayso khaladaad waayo waxaynu xigmad ka helnaa khaladaadka aan samayno markaan khalad galno,  khaladku waa cashar.

 

11: Ha xididin Rajooyinkaaga iyo Hankaagaba waayo ogoow inaad samayn karto wax kasta, inta uu leegyahay xadkaad u samayso naftaada ayuun baad gaadhaa.

 

12: Noqo qof samaysta farxada ee ha noqon qof ay farxadu samayso.

 

13: Ugu yaraan maalintii ku dadaal inaad hesho waqti aad ku dhiiri galiso naftaada, tusaale ahaan dhagayso qisooyin ku dhiiri galinaya ama daawo videos dhiiri galin ah ama se wax akhri.

 

14: Ka ag dhawoow oo ka qayb gal meelaha lagu qabto bandhig cilmiyeedyada .

15: Ku tababar naftaada inaanay ka caajisin waxay go’aansato ee isla waqtigaaba ku dhaqaaq waxaad go’aansatay.

 

16: Ku nooloow kalsooni nafeed oo ogoow in dhibkasta oo ku soo waajahdaa ku dhaafayso oo aanay waxba ku yeelayn inaad wax ka barato uun mooyaane.

 

17: Noqo qof ay ka go’antahay inuu horumar gaadho waayo qofku hadaanu lahayn go’aan qaadasho dhaba way adagtahay inuu horumar shaqsiyadeed gaadho.

 

18: Hays dhiibin markaad la kulanto dhibaato ee u qaado inay tahay uun wax ku xoojinaya waayo guul kastaba dhibaa kaa xigta ha yaraato ama se ha badnaato.

 

19: U riyood si balaadhan oo aan xad lahayn noqona qof hankiisu waynyahay oo filo mar kastaba wax wanagsan waad heliye.

 

20: Iska ilaali inaad dayacdo watigaaga, oo aad ku lumiso waxaan faa’iido lahayn.

 

21: Ka dheeroow is qoomamaynta waayo waxay dishaa hanka iyo himilada.

 

22: La saaxiib dad leh himilo han iyo aragti fog oo mustaqbal.

 

23: Ka dheeroow dadka niyad jabka abuura ee aan wax rajo ah ka lahayn nolosha waayo adna waxay kugu dari karaan kooxdooda.

 

24: Ka dheeroow waxyaabaha kugu dhiiri galinaya inaad ka gaabisid horumarkaaga

 

25: Iska ilaali waxyaabaha kuu horseedaya dib u dhaca qorshahaaga

 

25: Joogtee xamaasadaada nafeed adigoo dib u jaleecaya guulahaaga aad gaadhay

 

26: Ogoow inaan mar kaliya waxanoo dhani kuu suurto galayn ee ay u baahantahay waqti iyo inaad ku celceliso.

 

Hargeisa, Somaliland

 

Email:qoraaxamze@gmail.com

 

Mobile: 0634410163

 

Facebook account: https://www.facebook.com/Hamze.kuuriya

 

Social Analyst,

 

Admas University, HMC.

 

Faculty of  Social Science, field of Development Studies