Thursday, November 27, 2014

hadhaagii siyaasiyiin miisaan leh kulmiye ugu dambeeyay oo maanta Waddani ku biiray iyo xaflada balaadhan oo loo qabtay.

siyaasi

xmarji siyaasi boobe saxwexHargaysa(GNA) siyaasiyiin magac iyo miisaanba ku leh bulshada somaliland iyo guuda deegaanada afka soomaaliga lagaga hadlo horana xilal uga soo qabtay xukuumada siilaanyo ayaa maanta si buuxda loogu soo dhaweeyay xisbiga mucaaridka ah ee waddani,munaasibad balaadhan oo lagu qabtay hotelka crown ee magaalada hargaysa,ayaa waxa lagu shaaciyay ku soo biiritaanka ay ku soo biireen xisbiga waddani iyo ka soo diga rogashada ay ka soo diga rogteen xisbiga kulmiye iyo xukuumadiisa.
siyaasiyiintan oo tiradoodu kor u dhaaftay ilaa 20 siyaasi oo iskugu jira wsiiro,badhasaabo,agaasimayaal iyo xoghayeyaal waxay hadalo ay ka jeediyeen goobta waxay ku sheegeen inay ku fahilmeen halgankii ay ugaleen sidii uu xisbiga kulmiye u helilahaa kursiga ugu sareeya dalka ee madaxtooyada,iyaga oo xusay inuu lumay hankoodii ay ka qabeen hogaaminta madaxweyne siilaanyo uhana diray madaxweyne siilaanyo iyo xukuumadiisa inay sida ugu dhakhsaha badan u qabato dooraho xora.
gudoomiyaha xisbiga waddani ahna gudoomiyaha golaha wakiilada somaliland, mudane c/raxmaan maxamed c/laahi ayaa isna dhankiisa soo dhaweyn ka dib wuxuu fariin ku aadan doorashada u diray madaxweyne siilaanyo iyo xukuumadiisa isaga oo sheegay in ay dhawaan ay xisbigiisa ku soo biiridoonaan masuuliyiin xilala ka haya xukumada siilaanyo.
si kastaba ahaatee siyaasiyiinta ayaa noqonaaya masuuliyiintii ugu miisaanka cuslaa ee ka soo diga rogta xukuumada siilaanyo kuna biira xisbiyada mucaaridka ah iyada oo tanina ay dhabar jab weyne ku keenidoonto xukuumada siilaanyo iyo xisbigeeda kulmiye, oo hada la daalaa dhacaaya kalsooni daro shacab.
mustafe Axmed (Herer).
Gobanimonews.com
hargaysa/somaliland
Daawo sa wirada..