Sunday, November 30, 2014

Qoraa, Suxufi Maxamed Saleeban oo isu sharaxay Mudane Baarlaman Somaliland

S6540203Burco(GNA)Xaflad aad u agaasiman oo ka dhacday Hotel Deero ee Magaalada Burco ayaa lagu soo bandhigay Musharax  Maxamed Saleebaan Cumar oo ah Musharax Dhalinyaro ah,suxufi ah qoraa ah  oo u tartami doona Golaha Baarlamaanka Somaliland.

Musharaxan oo ay soo sharxdeen afgar beelood o ka mid ah Beelaa Baha Axmed ee Gobolka Togdheer ayaa xaflada Caleemo-saarka ah waxa ka qayb galay,Xildhibaano,Cuqaal,Aqoonyahan,haween,dhalinyaro iyo dadwayane kale.
Musharax Maxamed Saleebaan Cumar oo ugu horayn halkaas ka hadlaya ayaa yidhi ''Anigu dadkiina halkan fadhiya ayaan Geesi ku ahay oo abwaan Cali sugule ayaa yidhi dadkaa geesi lagu yahay,waxaynu kaliya ee u baahanahay isku duubni iyo midnimo,Meelo badan oo somalialnd ah baa laynaga taageersanyahay insha allaah waynu soo baxaynaa,Keenistaa iyo garashaadaas aad i keenteen waan idinku mahadnaqayaa,waxan idiin keenayaa barnaamij hufan markay doorashadu gaadho,waxaanan idiinka balan qaadayaa inaanan noqon nin taga oo aan muuqan oo aydaan dib u arag.qaranka oo dhana xil baa inaga saaran,maantana ma noqonayso markii ugu horaysay ee aan cod idiin soo doonan doono  ee Mustaqbal siyaasadeed baan leeyahay,waxaanan umada aqoonta iyo garshada u saaxiibka ah inay Codkooda ugu hiiliyaan maskaxda caafimaad qabta'' ayuu kaga baxay musharuxu.”ayuu yidhi.S6540188  S6540285

Xildhibaan Ibraahin Jaamac Basaale(Gaboobe) oo isna madashaas Xildhibaanka lagu soo bandhigay ayaa yidhi''Aqoonyahankan Maxamed Saleebaan waa inan u qalma inii isu soo sharaxo Golaha Baarlmaanka,waanan ku rajo waynahay inuu soo baxayo,Musharaxani waa nin degaan hargaysa ah waxaanu u baahanyahay dedaal iyo duco.”.

Caaqil Cilmi Saleebaan Ducaale oo isna kelmado kooban halkaas ka sheegay  ayaa yidhi'' waxaanu ku kalsoonahay inuu soo bixi doono Musharaxan waxaa soo xushay Beelaha Baho Axmed afar beelood oo ka mid ah,Go,aankana anakaa lahayn waaan ku taageersnahay iminkana waxba kal hadhi mayno.
Caaqil C/raxmaan Axmed Cawed, Caaqil  Cismaan Saleebaan Diiriye,Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Sahal Aadan ,Aqoonyahan Cismaan Xirsi duuduu,Injineer Diiriye Sugaal,Kayse Yuusuf Cilmi iyo Xubno kale ayaa iyana dhamaantood tilmaamay musharaxani inuu yahay mid ku haboon xilkaas uuu isuu soo sharaxay. “.

Axmed Muuse Maxamed

Gobanimonews

Burco Office

Email: Axmedmm9@hotmail.com