Thursday, November 27, 2014

Dil ka dhacay Xaafadda New Hargeysa Maanta

Hargeysa(GNA)-Dil ayaa ka dhacay Xaafadda New Hargeysa ee degmada Gacan Libaax, kaddib markii uu Nin Wade ka ahaa Gaadhi Bas ah uu Tooray qudha kaga jaray Nin kale oo isna ka mid ah Gaadiidleyda Basaska Xaafada u baxa .

dilka ayaa ka dhacay agagaarka Hudheelka Kaah, halkaasoo uu ku yaallo istaanka ay ka soo laabtan Basaska New Hargeysa u baxa. waxaana la sheegay in Ninka wax dilay uu ka cabanayay ganaax uu ku mutaystay Boob uu ku sameeyay fursadaha bixista baabuurta ama kala horistooda, sida ay Gobanimonews u xaqiijiyeen goob-joogeyaal.

Marxuumka dhintay, ayaa la sheegay inuu ka mid ahaa Guddida Iskaashatada Baabuurta Basaska, isla markaana uu ganaaxay Ninka uu gacantiisa ku baxay, sida ay Goob-joogeyaashu warka ku sheegeen.

Ma jiro wax war ah oo dhacdadan ku saabsan oo ka soo baxay Ciidamada Ammaanka, hase ahaatee dadka deegaanka ayaa sheegay inuu goobta ka baxsaday Ninkii dilka geystay.

Labada Ninba waxay ahaayeen Basleyaal, sida ay goob-joogeyaashu caddeeyeen.