Wednesday, November 26, 2014

Guddoomiye, Laxdu Waa Garyaqaan!

laxdu2Maalin ka mid ah bishii tobnaad ee sannadkan, ayaa sheeko xiiso badani ku dhex martay lax (oo aynu u bixin doono Garyaqaan ama GY) ka mid ah ido waddo laami ah hareeraheeda daaqayey iyo Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro meel duleedka Galbeed ee Hargeysa ah.

Lax mar curad ah oo idaha ku jirtey ayaa waxa soo jiitay nin cad oo dhar cad cad oo laamiga kuurkuursanaya. Laxdii ayaa kala saari weydey ninku in uu laamiga ka helay wax ay iyadu ka weydey iyo in xaal kale ku qabsaday meesha. In uu ninkuu dhulka wax dhiig u eg ku xarxarriiqayo oo marmarainayo ayay aragtay. Neef la qalay iyo dhiillo kalena arki weydey.

Wax ay soo siqdoba, laxdii (GY) ayaa soo gaadhey.

GY: Salaamu Calaykum

GC: Calaykumu Salaam

GY: Waar ninyohow Carabka ah maxaa kaaga lumay jidka, mise dadkaasaa ku wadoo sidoodaanad ahayn?

GC: Laxey Carab maahi. Ma sillooni ma saaqni. Ninkaa aad aragtee, Ilaahay u nimceeyee, Cirro loo bixiyee, cuddoon baan ahayoo, Waddanaan ku qoraayey! Adeer, ninka aad maqashee Baarlamaanka hor jooga, Guddoonshaa lagu sheego, kaasina waa aniguun.

GY: Halkan aad xarxarriiqday, Ma meel aad u dhistaa? Carab soo kor tegaan markii hore ku moodaayey oo waan kaa dhawrsanayayey, markii aan arkay inaad dhulka xarxarriiqayso ayaan is idhi bal ninkan weyn waxa uu meeshan ka qodayo soo eeg.

GC: Laxeey, waad asqaysan tahee waxa aan ku idhi Waddani baan ku qoraayey meesha. Halkan tusaalooyinkaygii la iga soo tahriibayey ayay ku jirtey oo nimankan waddanka hadda haysta ayaa iiga hor maray.

GY: Oo markaa miyaad ka wasakhaynay? Dhinaca kale haddaanu ido nahay, barnaamijkaaga ma ku jirnaa?

GC: Haayoo waad ku jirtaanoo, waxa nooga qoshaysan: Inaan gawrac dambe dhegta dhiigga la idiin darin..

GY: Weger!

GC: Inaan Carab dambe la idiin dhoofin..

GY: Naw!

GC: Inaan xero dambe la idinku soo oodan..

GY: Jaw! Ka waaweyn!

GC: In dhammaantiin xilal la idiin magacaabo, aydaan kaba degin..

GY: Dhegaa! Oo xaggee na qaadaysa? War kaasi kaa socon maayee, ku celi yarkii soo malmaluuqay! Waxa aan ku weydiiyey, beri dhoweyd oo aad is qabateen ku-xigeennadaada Baarlamaanka, beel ku qaylinaysee, miyay kaa yar xumaatay?

GC: Mayee waan sax sanaa.

GY: Adiga hortaa rag hore ma fadhiyey kursiga aad hadda joogto? Ma reerkiinnay wada ahaayeen?

GC: Mayee anuun baa ka ahaa.

GY: Kursiga Guurtida iyo kan Madaxweynaha ee aad u socoto rag kale oo uga horreeyey ma jireen?

GC: Haayoo waa la badan yahay..

GY: Iyaga beel baa leh miyaad ka maqashay? Dhinaca kale, sida rag kaaga horreeyey, iyana uga horreeyey, in rag kaaga dambaynayo Kursiga maxaad ku diiday?

GC: Dadku wayska adduun e ma wax baan u hayaa, dantaydaan ku watee?

GY: Haddii kursiga aad ku socoto Madaxweynaha ku fadhiyaa isna yidhaahdo reerkaygaw qayliya qaar baa igu soo socdee, ma sax baa, ma gef baa?

GC: (Inta kor joogsaday) Lax haddana aan lax u hadal ekayn ayaad tahay e, inna kala kaxee..

GY: Jirtoo tegeyba, laakiin karaamada reerkaaga ha u sadqayn guddoon xun iyo hunguri miidaamo ah, Guddoomiye. Nabadgelyo!

Guddoomiye Cirro waxa uu u dhaqaaqay xaggaa iyo gaadiidkii la socdey, iyada oo wejigiisa ay is dhex marayaan muuqaallada dingaraaradii laxdu kaga tagtay iyo ka-go’aan-qaadasho la’aan u muuqatey inuu xikmaddii laxda Garyaqaaanka ah kaga muransan yahay.laxdu

Jimale Madar

Frelance Journalist

Burao